SOMCABLE

Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyey Shirkadaha Ku Guulaystay Qandaraaskii Bad-Qabka Gaadiidka Dadweynaha

Hargeysa, 07 Apr, 2019 (Himilo)-Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaaciyey shirkadaha ku guulaystay qandaraaska lagu ilaalinayo bad-qabka gaadiidka dadweynaha Somaliland.

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka oo hadal ka jeediyey xafladda lagu soo bandhigay shirkadaha guulaystay shalay, waxa uu yidhi; “Waxa aannu ku dhawaaqaynaa go’aankii kama dambaysta ahaa ee qandaraaskii ay u soo tartameen 28-ka shirkadood, mashruucaas oo ah bad-qabka gaadiidka dadweynaha (MOT), go’aankii ayaanan yeedhinayaa, kaasoo ah;

Hargeysa barigeeda waxa ku soo tartamay laba shirkadood oo kala ah Hass Patroleum iyo MAT, waxaanna nasiibku siiyey oo ku guulaystay Shirkadda Hass Patroleum. Berbera waxa ku soo tartamay Hass Patroleum, Alfa iyo Tokyo, waxaanna nasiibku siiyey oo ku guulaystay shirkadda Alfa Teck. Togdheer waxa ku soo tartamay saddex shirkadood, waxaannu nasiibku siiyey Dhoore iyo Alnafora oo ay ku shuraakoobeen Baashe Dhoore iyo Saleebaan Kulul. Gobolka Sool waxa ku soo tartamay HASS Patroleum iyo Alfa, waxaanna ku guulaystay Shirkadda Hass Patroleum,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranku.

Waxa kaloo uu sheegay in Gobolka Sanaag ay shirkad qudhi soo codsatay qandaraaskan, sidaa darteedna aanay jirin cid kale oo kula soo tartantay shirkaddaas, halka sidoo kalena shirkad qudha oo la yidhaahdo Amal ay qandaraaskan kas oo dalbaday Gobolka Awdal, keligeedna ay ku guulaysatay, maadaama aanay cid kale kula tartamin.

Geesta kale, qaar ka mid ah shirkadaha lagaga guulaystay qandaraaskan la xidhiidha bad-qabka gaadiidka dadweynaha oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka qandaraasku u dhacay, isla markaana ay u hanaynayaan shirkadaha ku guulaystay.

Saraakiil u hadlay Shirkaddaha ku guulaystay qandaraaskan, ayaa iyaguna ballanqaaday inay waajibka la saaray u gudan doonaan si sax ah, muddada ay qandaraaska haystaana si caddaalad iyo masuuliyad ah u gudan doonaan shaqada lagu qiimaynayo gaadiidka kala duwan ee muwaadiniinta reer Somaliland wada leeyihiin, iyagoo shirkadaasi ay wixii hadda ka dambeeya la shaqayn doonaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Dhinaca kale, xaflad lagu daah-furay qandaraaskan lagu bixiyey bad-qabka gaadiidka dadweynaha oo toddobaadkii hore lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, waxa hadal ka jeediyey Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, kaasoo xusay in shirkadaha ku guulaysta qandaraaskan ay la geli doonaan heshiis shan sanno ah.

“Waxa aynu maanta (maalintii Axadda) halkan u joognaa si waafaqsan xeerka waddo-marista ee 56, 2013, qodobbadiisa 37, 38 iyo 39 iyo 84 aad oo waajibinaya in gaadiidka Somaliland la mariyo wax loo yaqaano (Inspection) ama baadhis oo lagu ogaanayo tayadooda, si loo yareeyo shilalka gaadiidka ayaa innoogu muhiimsan xaqiiq weeyaan Wasaaraddu waxa ay xaq u yeelan doontaa haddii ALLE ka dhigo ciddii ku guulaysata hawshan inay qaranka u qabato, Wasaaraddu waxa ay la gali doontaa heshiis shan sannadood ah, iyagana sida ay gaadiidka u baadhaayaan ayaa loo eegi doonaa haddii ALLE ka dhigo, waxa imminka halkan inala jooga nin khabiir ah oo hawshan in badan ka soo shaqaynaayey waxa aannu jecelahay haddii ALLE ka dhigo inaanu ka dhigno Standard (heer) ugu fiican ee wax lagu qaban karo. Wax kasta oo la qabanayaana caqabado ayey leeyihiin, su’aalaha u badan ee nagaga soo noqonayey waxa ay ahaayeen dadkeenu dhaqaale ahaan aadbay u hooseeyaan gaadiidka imika soo qaada caanaha ama xaabada waa ay adkaan doontaa marka tijaabadii la mariyo waxa ay noqon doonaan gaadiidka qayb ka mid ah inay noqdaan dhaqan ka bax duruuftaasi waanu ognahay, laakiin wax kasta waxa nagaga qaalisan nafta bani’aadamka, marka ay dhaqaale noqoto iyo marka ay naf noqoto waxa aynu eegaynaa xaga nafta, sidaasi darteed waxaannu garanay in la sameeyo, rag ka mid  ah waxa ay yidhaahdeen Standard aad qaadateen waa kii Jarmalka oo waxa la baadhayaa Monoxide ka inaad Monoxide baadhaana Somaliland waa Impossible (suurtogal maaha), runtii waxaan rajaynaynaa in aanu gaadhno Standard ugu sareeya, waxa aanu ku dedaalaynaa wixii Standard ah inaynu innagu waafajino.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarka Jidadka Md. Cumar Cabdillaahi Aadan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi; “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay sida fiican ee hawshu innoogu qabsoontay gobolkan Awdal-na waan u mahadcelinaynaa marti-soorkana astaanbay u yihiin, haddii aan u yara daadago adeegan MOT, waa kelmed Ingiriisi ah oo Ministry of Transport ayaa loo soo gaabiyey, maadaama oo afkeenu Soomaali yahay oo dastuurkeenana ku xusan tahay waa aynu ka fikiri doonaa magaca cusub ee aynu u bixin doono ujeedada aannu ka lahayn mashruucani waa badbaado ee maaha macaash oo ganacsatadu xaga macaashka ayey ka eegayaan, laakiin anaga Wasaarad ahaan waxa hawshan na galiyey waa badbaadada dadka Jamhuuriyadda Somaliland, Ilaahay (SWT) ayaa wax badbaadiya, laakiin waad ogtihiin shilalku halka ay marayaan dhibaatooyinka ka dhaca waad ogtihiin maalin kasta shilalka dhaca qayb weyn ayey ka yihiin tayo xumada gaadiidku, markaa tallaabooyinkii ay Wasaaraddu qaadaysay qayb ka mid ah oo aanu doonayno inaanu kaga hortagno ama ku yarayno xaddiga shilalka ee dhaca ayey arrintani tahay aad iyo aad ayaananu Guddida Qandaraasyada ugu mahadnaqaynaa sida fiican ee ay uga shaqeeyeen.”

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply