SOMCABLE

Goobo Dunida Ka Mid Ah Oo Laga Joojiyay Xuska Maalinta Jaceylka Adduunka & Sababta Keentay !

Dalka Pakistan ayaa dadka ku nool loo diiday inay u dabaal degaan Maalinta Jaceylka Adduunka,
xukuumadda Dalkaasi ayaa tallaabadaasi sanadkii labaad ku soo rogtay dadkeeda inay joojiyaan
dhammaan dabaal-degyada la xidhiidha maalinta Jaceylka.
Xukuumadda Dalka Pakistan ayaa arrintaasi ku sheegtay in aanay ka mid ahayn guud ahaan ba diinta
Islaamka, waxaanay maxkamadda sare ee Dalkaasi soo saartay go'aan ah in xukun maxkamadeed lagu
qaadi doono qofka u dabaal dega maalintaasi.
Ganacsato badan oo u dhalatay dalkaasi ayaa waxay aad uga ganacsadaan ubaxyada iyo sidoo kale
macmacaanka ay dadka maalintaasi u dabaal degaya aadka u iibsadaan.
Sidoo kale, dhallinyarada u dhalatay dalkaasi qaar ka mid ah ayaa aad u iibsan jiray waxyaabaha la isku
hadyadeeyo maalinta Jaceylka Adduunka ee xukuumada Dalkaasi u diiday shacabkeeda inay u dabaal
degaan.

Leave a Reply