SOMCABLE

“Golihii Oo Cabbasho Loola Tegay Ayuun Bay Ka Eegeene Waxaad Moodaa In La Buunbuuniyey Arrinta Oo Ay Ka Hor Imaneyso Nidaamkii Dawliga Ahaa…”-Ku Xigeenka Garyaqaanka Guud

Guurtida Oo Sheegtay In Xeer Nidaamiyaha Waxbarashadu Dastuurka Baal Marsan Yahay Iyo Xukuumadda Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay

Hargeysa, 10 Oct, 2019 (Himilo)-Ku Xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka JSL, ayaa ka war bixiyey sida uu arko go’aankii dorraad uu Golaha Guurtidu ka soo saaray cabbashadii Dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Muddadii u danbeysay oo khilaaf adagi u dhexeeyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay ayaa waxay keentay in ay cabbasho arrintaasi ku saabsan ula tegaan Golaha Guurtida, sidaasi awgeedna uu Goluhu u saaro Guddi gaar ah.

Haddaba, Xildhibaannadii Guddiga ahaa ayaa markii ay muddo toddobaad ah ku mashquulsanaayeen sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay, waxay war bixin ay Golaha Guurtida ka jeediyeen ku  sheegeen in Xeer Nidaamiyaha cusub ee wasaaaradda waxbarashadu uu Dastuurka baal-marsan yahay.

Ugu horreyna, Ku Xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka Mudane Xuseen Maxamed Jaamac Ballal, waxa uu arrintani kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu siiyey Bulsho Tv, isagoo ka hadlaya sida uu arkona Go’aanka Guurtidu ay ka soo saareen arrintani waxa uu yidhi, “Xeerka Waxbarashada iyo Xeer Nidaamiyaha Golaha Guurtidu waxay yidhaahdeen dhawr qodob ayaa iska hor imanaya ee gabi ahaan iska hor imanayo, waxa kale oo ay soo jeediyeen in Deeqaha Waxbarashada loo wada qaybiyo oo ay Wasaaraddu ka wada masuul tahay, waa Run oo Wasaaraddu waa ka masuul Waxbarashada Qaranka oo Xeerkan ayaa u xil saaray iyo Dastuurka iyo Xeerka nidaamka Xukuumadda iyo kala xadeynteeda baa wood ayuu u siinayaa Wasaaraddu inay Maamusho Dugsiyada iyo kuwanba, waxa kale oo jiray inay Dastuuri tahay in aad furan karto Dugsi gaar ah oo aheyd qodobka 15aad ee Dastuurka ayaa ka hadla”. Ku Xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka

waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Way habboon tahay in la dhiirigeliyo hantida gaarka loo leeyahay sida uu Dastuurku dhigayo, balse waxa lagu xakameynayaa Xeer, Shuruuc iyo Haggayaal ay raacayaan oo ay wasaaraduhu soo saarayaan oo ma jiro wax la yidhaa xornimo dheeraad ah haysta oo sida ay doonaan wax u maamulaya”.

Ku Xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka, waxa kale oo uu ka hadlay go’aanka Guurtidu ay gaadheen sida uu arko, “Guurtidu go’aanadan ay gaadheen ma garanayo in ay golihii ka ansixiyeen iyo in kale, laakiin waxay yidhaahdeen Guddi ayaa loo saaray labada dhinac ee Wasaaradda iyo Qoladan Dugsiyada gaarka ee cabbashada ula tegay, markaa sidaa ayaanu ku saarnay go’aanka markii aanu labada dhinac ba dhegaysanay ayey yidhaahdeen”.

Ballal waxa uu ku sifeeyey arrintani inay nidaamka dawladnimada ka hor imaneyso, “Golihii oo cabbasho loola tegay ayuun bay ka eegeene waxaad moodaa in la buunbuuniyey arrinta oo ay ka hor imaneyso nidaamkii dawliga ahaa, laakiin Wasaaradda Waxbarashada ayey u taallaa tallaabada ay qaadeyso haddii ay Annaga nala soo xidhiidhaana wixii talo iyo sharci ah diyaar baanu u nahay”.

Dhinaca kalena, Ku Xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranku waxa uu ku eedeeyey Dugsiyada gaarka ah in cabbashadoodu u ekeyd inay hor istaagaan shaqadii Wasaaradda iyo Olole Wasiirka ku aadan, “Maalin hore waxaan sheegay in ay Wasaaraddu dhegaysato dugsiyada gaarka ah, waayo Aadmi ayeynu nahay oo wax kasta oo la sameynayo khaladaad ayaa ku jira, mar haddii ay cabbasho ka timaado meelaha qaar waa in la isla eegaa, laakiino meelo kama cabbanayaan iyagu ee waxay u jeedaan inay hor istaagaan dawladnimadii iyo Wasaaraddu shaqadii ay qabaneysay ayey u ekeyd oo macaa olole Wasiirka lagu waddo ayey u ekeyd, markaa immika waxay tahay uun in ay Wasaaraddu dib u eegto wixii haddii kale oo si kale looga wareegi karana waa looga wareegi haddii ALLE yidhaa”. Ayuu yidhi Ku Xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka JSL

Ugu dambeyntii, hadalkan ayaa ku soo beegmaya maalmo ka dib markii Guddi uu dhawaan Golaha Guurtida Somaliland u saaray inuu Xal ka gaadho Khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay ay War-bixin siiyeen Gole-weynaha Guurtida.

Xildhibaannada Guddiga ah oo muddo toddobaad ah ku mashquulsanaayeen sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay kuwaasoo sheegay in Xeer Nidaamiyaha cusub ee wasaaaradda waxbarashadu uu Dastuurka baal-marsan yahay.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa Xeer nidaamiyaha cusub u cuskatay inaan Deeqaha Waxbarashada ee Itoobiya siisay Somaliland aan lagu darin Ardayda ka soo baxday Dugsiga gaarka ah.

Waxaana xusid mudan in Khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiga gaarka ahi uu bilaabmay markii dugsiyada gaarka ah laga reebay 400 Arday oo Deeq Waxbarasho ka helay Dalka Itoobiya, kuwaasi oo lagu koobay Ardayda Dugsiga Dawladda Somaliland.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply