SOMCABLE

Golaha Wakiillada Oo La Hor-geeyay Mooshin Ka Dhashay Shidaal Haamaha Kaydka Lagu Shubay Oo Khasaare Badan Sababay

Hargeysa, 6 Meey, 2018 (Himilo) – Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Shalay la hor-geeyay Mooshin lagu dalbanayo in Maamulka Haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera Gacanta Dawladda dib loogu celiyo.

Mooshinkan oo ay ku saxeexan yihiin Xildhibaanno tiro badan oo ka mid ah Xisbiyada kala duwan ee Qaranka, ayaa waxa ujeeddadiisa waxa Mudaneyaasha Golaha Wakiillada u faahfaahiyey Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo Mooshinkaa diyaarintiisa ka soo shaqeeyay.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Mooshinkani wuxuu ku saabsan yahay Haamaha Kaydka Shidaalka, sidaasi darteed waxa Mudanayaasha Mooshinkan saxeexay ay soo jeedinayaan in sidii aynu hore Go’aanka ugu qaadanay in Maamulka Haamaha dib loogu celiyo Gacanta Dawladda oo la hoos-geeyo Wasaaradda Ganacsiga, oo Miisaaniyadda Haamuhu ka muuqato Miisaaniyadda Wasaaradda Ganacsiga, ka dib markii aanu aragnay in Amniga Qaranka aanay ku jirin in Haamaha Kaydka Shidaalka Cid gaar ahi Maamusho.”

Xildhibaan Obama wuxuu sheegay inay soo jeedinayaan in Xukuumaddu ku dhaqanto soo jeedintii ay hore Golaha Wakiilladu ugu taliyeen inaan Gacanta Dawladda laga wareejin Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, soo jeedintaasi oo Xukuumaddii hore iska dhego-marisay “Ujeeddada Mooshinkani waa inay ku dhaqanto Go’aankii hore uga soo baxay Golaha Wakiillada, waxaanu Dawladda ka codsanaynaa maaddaama oo ay Dawladdii hore is-diidsiisay oo ay jabisay Go’aankaa Golaha ka soo baxay inay Mar labaad gacanta ku qabato..”ayuu yidhi.

Mooshinkan ayaa yimid, ka dib markii Shidaal wasakhaysan oo lagu shubay Haamaha Kaydka Shidaalka uu khasaare gaadhsiiyey Gaadiid badan oo ka mid ah kuwa Dadweynaha.

Leave a Reply