SOMCABLE

Golaha Wakiillada Oo Ansixiyey Xeerka Booliiska, Ka Dib Khafiifin Ay Ku Sameeyeen Qodob Xukuumaddu Diidanayn In Laga Saaro

Hargeysa, 2 Diisambar, 2018 (Himilo) – Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Shalay Ansixiyey Xeerka Booliska, kaasi oo ay hore u ansixiyeen, balse Xukuumaddu dib ugu soo celisay markii ay wax ka beddel iyo Kaabis ku samaysay.

Xeerka Booliska oo Xukuumaddu dib ugu soo celisay Golaha Wakiillada, ayaa dood dheer oo Mudanayaashu ka yeesheen ka dib, waxa laga saaray Qodobbo Xukuumaddu codsatay in laga saaro, sida inaan Shacabku Booliska ka soo dacwayn karin Maxkamadaha Caadiga ah iyo inaan la samayn karin Guddi Madax-bannaan oo la socda Cabashada Dadweynuhu ka qabaan Booliska.

Fadhigii lagu ansixiyey Xeerka Booliska Somaliland oo ay goob-joog ka ahaayeen Gar-yaqaanno iyo Ururrada Xuquuqal iisaanka ee Somaliland ka shaqeeya ayaa Qodobka ugu xaasaasisanaa ee Mudanayaashu doodda adag ka galeen isla-markaana keenay in Xildhibaannada qaarkood ka dareeraan fadhiga ayaa ahaa Qodobka 16-aad, kaasi oo fasaxaya in Ciidammada Boolisku ay Rasaas nool u adeegsan karaan Dadka Shacabka ah haddii ay hawl-gal fulinayaan ama Shacabku ay sameeyaan Mudaharaaddo.

Qodobkan oo u dhignaa sidaa aynu kor ku sheegnay ayaa Xildhibaannada badankoodu doonayeen in laga saaro Xeerka Booliiska, waxaana Arrintaa ka dhashay buuq hadheeyay Fadhigii Shalay oo uu Guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Baashe Maxamed Faarax.

Xildhibaannada qaarkood ayaa qabay inaan Qodobka fasaxaya in Booliisku Rasaas u adeegsadaan Shacabka aan Dood la gelin ee si toos ah oo looga saaro xeerka “Guddoomiye qodobkaasi Cod ma geli karo ee Dib ha loogu noqdo.” Ayuu yidhi, Ibraahim Mahdi Buubaa

Hase-ahaatee, markii Xildhibaannada qaarkood ka cadhoodeen in la ansixiyo qodobka 16-aad ee dhigaya ‘in Booliisku Rasaas nool u adeegsadaan Shacabka aan hubaysnayn’ ayaa wax ka beddel lagu sameeyay Qodobkaasi waxaana lagu sameeyay wax ka beddel kooban, taasi oo sababtay in Xildhibaannadii fadhiga ka baxay dib ugu soo noqdaan Fadhiga isla-markaana ka qayb-qaataan Codkii loo qaaday Qodobkaasi.

Waxaana markaa ka dib, uu Guddoomiye Baashe ku dhawaaqay wax ka beddelka lagu sameeyay Qodobka 16-aad ee Xeerka Booliiska iyo in la ansixiyey  “Waxa la ansixiyey Qodobka 16-aad oo lagu daray ‘inay reebban tahay in Qof aan hubaysnayn in Xabbad lagu rido…” ayuu yidhi, Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply