SOMCABLE

Golaha Deegaanka Laascaanood Oo Ka Hor-yimid Wareegto Uu Wasiirka Hawlaha Guud Soo Saaray

Laascaanood, 7 Meey, 2018 (Himilo) – Xildhibaannada Golaha deegaanka ee Degmada Laascaanood, ayaa ka hor-yimid Wareegto uu doraad soo saaray Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi, taasi oo uu Wasiirku ku sheegay inaan muddo lix bilood ah wax dhisme ah laga samayn karin Magaalada Laascaanood.

Xildhibaannada Golaha deegaanka Laascaanood oo Shalay shir-jaraa’id ku qabtay Xaruntooda Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in aanay aqbalayn wareegtada uu Wasiirka hawlaha guud ku mabnuucayo in wax dhismayaal ah laga hirgeliyo Laascaanood muddo Lix bilood ah, waxayna sheegeen in Wasiirku uu faraha la galay wax aan Shaqadiisa ahayn.

“Waxaan doonayaa inaan Dadweynaha u sharraxo wareegto uu soo saaray Wasiirka Hawlaha guud, Soddonkii sano ee u dambeeyay Dhulka Laascaanood xabadi kama dhicin, diwaankii dhulka ee Ingiriiskii ayaa la helayaa, kii Somaliland baa yaalla, markaa meel dhulkeeda bililiqo ka dhacday maaha, markaa waxaan leeyahay Mudane Wasiir waxa loo baahnaa inaad meelaha xidhmooyinka ah ama xoolo-qaaqeenka ah ama dhibaatadu ka jirto, markaad leedahay Lix bilood Laascaanood dhulka lama dhisi karo, waxaanu u aragnaa Magaaladu ma fidi karto oo ma horumari karto..” ayuu yidhi, mid ka mid ah Xildhibaannada Golaha deegaanka Laascaanood.

Mid kale oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha deegaanka Degmada Laascaanood ayaa isaguna sheegay in Wasiirku Masuul ka noqon doono wixii Amni-darro ah ee ka yimaadda Wareegtada uu soo saaray, maaddaama buu yidhi Wareegtadiisu sababtay in Dad hore Dhul iskugu qabsaday oo loo kala xukumay ay dib iskugu qabsadeen “Wasiir Dhulkan aad leedahay lama dhisi karo, labaatan kun oo Qoys ayaa lagu biiliyaa, saaka (Shalay)  Kaantaroollada waxaad ku ballamisay Iska-rogooyinka, adigu biilin maysid qoysaska, Wareegtada aad ku dhawaaqdayna wax Alaale iyo wixii Nabadgalyo darro ah ee ka yimaadda Masuuliyaddeeda adigaa qaadaya, Waayo? Toban sannadood ka hor Dadkii dhulka lagu kala saaray ayaa Maanta Dhulkii dib iskugu qabsaday oo seesaskii iska burburiyey…”ayuu yidhi.

Leave a Reply