SOMCABLE

Gobollada, Degmooyinka & Tuulooyin Dalka Oo Si Weyn Looga Dabbaal-Degay Xuska Sannad-Guurada 28-Aad Ee La Soo Noqoshada Madaxbannaanida Somaliland

Hargeysa, 19 May, 2019 (Himilo)-Sannad-guuradda 28-aad ee ka soo wareegtay dib-ula-soo-noqoshada madaxannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si ballaadhan looga xusay dhammaanba gobollada iyo degmooyinka kala duwan dalka, xuskaas oo sannad walba la qabto marka ay taariikhdu tahay 18-ka May oo ah maalinta madaxbannaanida Somaliland.

Xuska ugu ballaadhan ee 18-ka May oo ka qabsoomay Caasimadda Hargeysa subaxnimadii hore ee shalay, waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, shir-guddoonka labada gole-baarlamaan (Guurtida iyo Wakiillada), Taliyeyaasha Ciidammada Qaranka, xisbiyada siyaasadda, hay’adaha kala duwan ee dowliga ah iyo kuma madaxbannaan, safiirro ka socday dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Turkiga, xildhibaanno ka socday Baarlamanka dalalka Ugandha iyo Jabuuti,  marti-sharaf ka kala yimid dalalka Ingiriiska, Itoobiya, Denmark, Midawga Yurub (EU-da), Qarammada Midoobay, Wasiirro ka socday Dowladda Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo marti-sharaf kala duwan, iyadoo xuska sannad-guuradda 28-aad ee Somaliland hal-ku-dheg looga dhigau weedha ah; ‘ummaddii isku maan ah ayaa meel wada gaadha.’

Cutubyo ka tirsan ciidammada millatariga, Booliska, Asluubta, Ilaalada Xeebaha iyo Dab-damiska oo si qurux badan u lebbisan, isla markaana ku jeeni-qaaran astaamaha qaranka, ayaa socod gaardis ah ku maray fagaaraha uu ka dhacay xuska 18 May ee Caasimadda Hargeysa, kuwaasoo halkaas salaan sharaf ku siiyey Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Waxa kaloo goobta marayey gaadiidka ciidammada kala duwan ee qaranka oo ay qayb ka yihiin gaadiidka gaashaaman iyo kuwa tignikada ah ee millatarigu leeyihiin oo ay u rakiban yihiin noocyada kala duwan ee hubku, isla markaana ay ku jiraan gaadiid iyo hub cusub oo farxad geliyey bulshada iyo madaxda reer Somaliland.

Waxyaabaha ku cusbaa goobta lagu xusay maalinta qaranka ee 18 May waxa ka mid ah baabuur casri ah oo lagu qalabeeyey ciidanka booliska Somaliland, kuwaasoo si weyn u soo jiitay indhaha bulshada ku sugnayd goobta fagaaraha ah.

Sidoo kale, boqollaal ka mid ah qaybaha kala duwan ee ururrada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha dowladda, ayaa madasha koox koox u soo maray, iyaga oo ku lebbisay astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo shirkadaha waddanida ah ee dalka ka jira oo goobta soo maray ay soo bandhigeen farxashanno iyo xirfado kala duwan oo soo jiitay madaxdii iyo masuuliyiintii madasha ku sugnaa.

Arday ka socota dugsiyada iyo Jaamacadaha kala duwan ee dalka Somaliland oo iyaguna goobta maray, ayaa indhaha masuuliyiintii goobta fadhiyey iyo dadweynihiiba soo jiitay, kuwaas oo ay ka muuqatay aqoonta ay dalkooda ku barteen.

Dufcad ka mid ah dhallinyarada shaqo qaran oo wiilal iyo gabdho isugu jira oo muddo carbis iyo waxbarasho u xaraysnayd, ayaa iyaguna goobta ku soo bandhigay khibraddooda ciidannimo ee ay barteen muddadii ay xaraysnaayeen, waxana ay masuuliyiintu si weyn ula dhaceen xirfadda ciidannimo ee ay dhallinyaradaasi barteen.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna bulshada reer Somaliland kala qaybgalay xuska maalinta qarannimada ee 18 May oo lagu qabtay fagaaraha khayriyada ee magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa khudbad uu jeediyey ku soo bandhigay dhibaatooyinkii kala duwan ee ay bulshada reer Somaliland kala kulmeen midawgii la galeen Soomaaliya sannadkii 1960-kii, gaar ahaan muddadii soddonka sanno ahayd ee uu Taliskii Siyaad Barre ka talinayey Soomaaliya, taasoo sababtay in halgan dheer kadib ay bulshada reer Somaliland ib ula soo noqdeen madaxbannaanidooda 18 May 1991-kii.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka Somaliland oo ay ka mid yihiin Burco, Ceerigaabo, Laascaanood, Berbera, Gabilay, Oodweyne, Balli-gubadle, Salaxlay iyo dhammaanba degaannada kala duwan ee dalka, ayaa si weyn looga xusay maalinta qarannimada Somaliland ee 18 May, iyadoo guud ahaanba magaalooyinka waaweyn ay ciidammada qaranku socod gaardis ah ku mareen goobaha fagaaraha ee lagu xusay 18 May.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply