SOMCABLE

Gobolka Rockland Ee Dalka Maraykanka Oo Laga Bilaabay Olole Lagaga Hor Tegayo Cudurka Jadeecada !

Cudurka jadeecada ayaa ah cudurada laga tallaalo carruurta yaryar sababtuna waxay tahay in tallaalkaasi lagaga hor tego dhibaatada uu cudurkaasi sababo.

Gobolka Rockland ee dalkaasi Maraykanka ayaa waxa laga bilaabay xaalad degdeg ah oo lagula dagaalamayo faafitaanka cudurka jadeecada ee ka dilaacay gobolkaasi.

Madaxda sare ee gobolkaasi Mr Ed Day ayaa sheegay inay muddo laba maalmood gudahood ah ay fuliyeen ilaa iyo 500 oo tallaal waxa aanu sheegay inay dadka ku nool gobolkiisu haatan dareemeen in dedaalka ay madaxda gobolku wadaan uu yahay mid dhab ah.

Rockland ayaa waxay dhinaca waqooyi ka xigta magaalada NewYork waxaanay sidoo kale u jirtaa masaafo dhan 50 Km tirada dadka ku nool ayaa waxay dhan tahay 300 oo kun oo qof waxaana da’yarta ku dhaqan ee aan qaadanin tallaalka jadeecada la faray inay imanin goobaha la isugu yimaado tan iyo ilaa inta ay tallaalkaasi qaadanayaan.

Faafista cudurkan ayaa waxa uu ka bilaabmay toddoba qof oo qabay oo halkaasi caga dhigtay waana arrinta keentay in xaaladda degdeg ah ee ku saabsan la tacaalista cudurkaasi.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply