SOMCABLE

Garyaqaan Si Madax Bannaan U Lafo Guray Nuxurka Cabasho Iyo Eedo Odoyaal Reer Hargeysa Ahi U Jeediyeen Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa, (Himilo)-Mid ka mid ah Garyaqaanada ugu caansan dalkani ayaa si madax bannaan u lafo guray sharcinimada hantida gaarka loo leeyahay iyo sida ay dawladdu kula wareegi karto, xilli cabasho iyo eedo ba’ani ka soo yeedheen Muwaadin Maxamed Xasan-dalab oo ah Mulkiilaha dhul weyn oo ku yaalla duleedka Hargeysi uu u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku sheegay in dhulkii uu shaqsi ahaan u lahaa uu Madaxweynuhu doonayo inuu awood dawladeed kula wareego oo uu ka dhiso Madaxtooyo.

Odey Maxamed Xasan-dalab waxa uu soo bandhigay sharcinimada lahaanshaha dhulkaasi iyo waliba xukunada Idaariga ah iyo kuwa Maxkamadeed ee derajooyinka kala duwan ee gaadhay ilaa heerkii ugu sareeyey ee isla dhulkaasi ee loogu xukumay Maxamed Xasan-dalab, iyo cabashada ay ka qabaan go’aanka Madaxweynuhu kula wareegayo dhulkaasi si uu uga dhiso Qasri Madaxtooyada JSL.

Haddaba, hantida gaarka uu u leeyahay Qof ee dhul ah sidee ayey dawladdu ula wareegi kartaa, maxaase uu dhigayaa sharciga dalka uu yaallaa, waxa arrintaasi si qoto dheer uga hadlay Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) oo ka mid ah Garyaqaanada ugu caansan dalkani oo isagu maalin kadib cabashadaasi si madax bannaan u lafo guray, waxaanu qoraal uu kaga hadlayo uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay barta bulshadu ku xidhiidho ee Facebook oo u dhignaa sidan:-

Hordhac

“Haddii la eego aragtida dhaqaale iyo sharci ee shuuciyadda, dawladdu way la wareegi kartaa hanti gaar ahaaneed sababta oo ah qof gaar uma yeelan karo hanti ee yeelashadu waa wax waddar loo waddaago. Dawladdii Maxamed Siyaad Barre waxay bilawgii 1970 qaadatay shuuciyadda. Dabadeed hab fekerkii nololeed, dhaqaale, bulsho, sharci iyo dawladeed wuxuu u qaabaysmay mid shuuci ah. Dawladii jirtay oo ku tagri falidda awooddu dan u aheyd, waxay falsafadii shuuciyadda oo ay qalloocisay u adeegsatay inay ku boobto hantida, ku ciqaabto kuwa ka soo horjeeda una adeegsato awoodaha dawladeed oo dhan si u dan ah inta yar ee awodda ku fadhida.

Dastuurka iyo hantida gaarka loo leeyahay

Dastuurka Somaliland oo garwaaqsan cawaaqib xumada ay

leedahay nidaamkii “lagu soo maamulayey muddo soddon sanadood ah (araarta dastuurka),” wuxuu dhigay falsafad ku lid ah tii hore u jirtay. Sida ku qoran dastuurka, aragtida cusub ee lagu salleeyey dastuurku waa:

  1. Shareecada Islaamka.
  2. Go’aan qaadasho ku timaadda talo-wadaag.
  3. Isu-dheellitirrnaanta awoodda dawladnimo oo u qaybsanta; Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.
  4. Baahinta iyo hoos-u-daadejinta maamulka Xukuumadda (Decentralisai/on).
  5. Dammaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed iyo xaq dhowridda suuqa xorta ah.
  6. Qiimo-weynida nolosha qofka oo Ia imanaysa sugidda xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadaha qofka.
  7. Nabadgelyo iyo habsami kula dhaqanka dawladaha gobolka iyo adduunweynaha.”

Toddobada rukun ee shacabku u dhigeen in dastuurka lagu salleeyo waxay si toos ah uga soo horjeedaan nidaamka shuuciyadda oo aan ogolayn adeegsiga diinta, go’aan dadku waddaago (dimoqraadiyad), awoodo kala soocan, hanti gaar ahaaneed iyo suuqa xorta ah, iyo xorriyadda shaqsiga ah.

“Dammaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed” dastuurku wuxuu ku daray mabaadida aasaasiga ah uu sheegay in dastuurku ku dhisan yahay. Si uu taas u sii xoojiyo wuxuu ku daray xuquuqaha aasaasiga ah ee ay waajibka ku tahay “waaxaha xeer-dejint, fulinta iyo garsoorku [inay] u hoggaansamayaan (qodobka 21(1) dastuurka.” Si uu u sii adkeeyo wuxuu dastuurku ku daray xuquuqaha aasaasig ah kuwa ay xataa mamnuuc tahay in wax laga beddelo, iskadaa in la dhimo’e (qodobka 127 Dastuurka). “Dastuurku waa xeerka ugu sareeya dalka, xeer kasta oo aan isaga waafaqsananina waxa uu noqonayaa waxba kama jiraan (qodobka 128 Dastuurka).

Qodobka 31aad ee dastuurka Somaliland ayaa ka hadlayaa lahaanshaha hanti gaar ahaaneed. Eray bixinta qodobku isticmaalay waa “xorriyadda lahaanshaha hanti gaar ahaaneed.” Wuxuu qodobku ka dhigay hanti yeelasho xorriyad oo macneheedu yahay yeelashadu waxay ku jirtaa kooxaha xuquuqda insaanka ee loo yaqaan kuwa taban (negative rights) oo ah kuwa waajibka dawladda saarani yahay inaanay faro gelin.

Qodobku wuxuu u dhigan yahay sidan:

  1. Qof kastaa waxa uu xaq u Ieeyahay in uu si gaar ah u yeesho hanti, taas oo ay shardi tahay in uu ku helo waddo xalaal ah.
  2. Hantida gaar ahaaneed ee lagu helay si xeerka waafaqsan, lalama wareegi karo dan guud awgeed mooyaane, iyadoo markaana la bixinayo cawil-celin munaasib ah.
  3. Xeer ayaa xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la wareegidda hanti gaar-ahaaneed.

Laba shay ayuu dhigay qodobku:

  1. Mabda’a guud ee aasasiga ah ee ah in qofku yeesho hanti (lagu helay sifo xalaal ah dabacan);
  2. Qodobku (si la mid ah qodobo kale) wuxuu dejiyay waxyaalo ka gaar ah (exceptions). Waxyaalaha gaarka ah waxa ka mudan shayga guud. Mase uu daba furin ee qodobku laba shay ayuu ka dhigay:
  3. Sida hanti gaar ah loola wareegayaa waa inay tahay dan guud; waana in qofku helaa cawil celin ku munaasib ah oo macneheedu yahay qofka waa in la siiyo wax u dhigma waxa laga qaaday maadi ahaaan iyo lacag ahaanba.
  4. Wuxuu waajibiyay in la helo xeer dhigaya waxyaalaha geli kara dan guud.

Qodobka danbe (b) waa ka ugu muhiimsan. Sababta dastuurku u dejiyay xeer ay tahay inuu qeexo oo taxo (list) waxyaabaha geli kara danta guud waa:-

  1. In laga carraro in xukuumaddu aanay dadka cidday doonto ka qaadi karin hantidooda gaarka ah. Mar haddii dastuurku xaq ka dhigay hanti yeelashada, waxa reeban in laga qaadi karo ama la dhimi karo. Bal ka soo qaad haddii dawladu sannifto ruux mucaaarad ah, dabadeed si ay u ciqaabto ay la wareegto hantidiisa “dan guud darteed.” Hanti waa wax kasta oo qof yeelan karo; waxa soo hoos gelaya mobilkaaga, saami shirkadeed, gaadhi, dhul iwm. Si taas looga carraro maxaa horta dan guud loola wareegi karaa iyo hannaankee loo maraya waa in sharci dejiyaa. Tani waxay ka soo horjeedda nidaamka shuuciga ah oo isagu ogol in si sahlan loola wareegi karo waayo hanti gaar ah in la yeelan karo ayaanu qabin.
  2. In la ilaaliyo hanti gaar ahaaneed oo mudnaanta ka leh hantida guud (hanti dawladeed) oo aanay dawladdu waxay doonto u qaadan “dan guud darteed”, balse sharcigu taxo waxyaalaha geli kara dan guud. Ka soo qaad haddii dawladdu saaka go’aan sato inay tidhaahdo saamiga shirkad X dan guud ayaan ula wareegaynaa!!!

Gebo-gebo

Haddaba, dastuur ahaan dawladdu hanti gaar ah kama qaadi karto cid. Si maaro sharci loogu helo waxyaabaha gaarka ah (exceptions) ee darruuriyadda adag oo aan laga baaqsan karini ay keenayso waa in la helo xeerka dastuurku waajibiyay (Expropriation Act). Xeerku waa inuu taxaa ashyaada geli kara dan guud. Ma mobayl ayay dawladdu qaadi kartaa, gaadhi mise saami shirkadeed? Ashyaada dan guud geli karaa waa inay mark hore xeer ku cad yihiin. Waa in xeerku dhigaa hannaanka loola wareegayo. Waa maxaay sababta bogcad A ay dan guud u noqonaysaa ee ay bugcad B u noqon wayday. Habkee loo marayaa? Qofka hantida lihi haddii uu diidan yahay hannaan uu go’aanka uga rafcaan qaadan karo Maxkamada si loo qiimeeyo waa inuu jiraa.

Bal tusaale ahaan, sidee ayay dawladdu uga qaadaysaa dhul ku yaal bannaan fog qof, iyada oo iyadu leh dhul ka weyn oo ka dhow ama ka fog ka ay la wareegayso? Darruuriyadda keentay maxay tahay? Waase noocee isticmaalada danta guud ee u baahan in lala wareego? Inta la helayo xeerka dastuurku waajibiyey haddii ay dawladdu doonto inay hanti gaar ah la wareegto, waxay keenaysaa in loo dhaqmo si ka soo horjeedda dastuurka oo ku qotonta aragtida shuuciyadda ee mudnaanta aan siin hantida gaar ahaaneed, waxayna khatar gelin doontaa dhammaan hantida dadka shacabka ah.

Maaha oo keliya hantida gaar ahaaneed ee dan guud noqonaysa ta uu dastuurku ka hadlay ee wuxuu sidoo kale ka hadlay hantida guud marka ay noqonayso hanti gaar ahaaneed. Sida ku cad qodobka 12 (5), hantida guud waxa si gaar ah loogu wareejin karaa hannaan xeer waafaqsan. Tan lafteeda waa lagu xadgudbaa. Iyada oo aan xeerkaasi jirin ayaa dhul dawladdu leedahay laga iibiyey ama la siiyay dad shacab ah. Waa maxay sababta aad dhul X u siisay qof? Hannaankee raacday? Muxuu qofkani ku mutaystay oo mid kale ku waayey? Yaa go’aamiyay in hanti guud gaar laga dhigo? Intaba jawaabo looma hayo waayo sharcigii dhigayay ayaa maqan. Iyada oo aan sharcigaasi jirin in hanti guud cid gaar ah la siiyaana waa sharci darro kale.

Ugu danbayntii, waxa muhiim ah inaan laga guurin mabaadiida dastuurku dhigayo. Waana in la fahmaa in ujeedada dastuurku tahay inuu tirtiro dhaqmo hore u jiray oo waxyeelo badan lahaa, balse la fahmi karayey falsafadda ay ku dhisnaayeen.

Afeef: marka aan ka hadlayo hanti gaar ahaaneed waxa aan ujeeda shay (thing) sharci si waafaqsan ciddi ku yeelatay. Taas waxa markaas ka baxsan ashyaada aan ciddi lahayn sida dhul aan dawladdu cid siin. Dhulka waxa leh dawladda, marka laga reebo ka qof gaar u yeeshay sifo sharciga waafqsan. Waafaqsanaanta sharcigana waxa loo eegayaa dabeecadda dhulka waayo dhulka laftiisa ayaa kala duwan oo ay maamulaan xeerar kala duwan sida xeerka dhulka magaalooyinka maamula, beeraha, deegaanka iwm.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply