SOMCABLE

Ganacsato U Dhalatay Maraykanka Oo Asal Ahaan Ka Soo Jeeda Dalka Iiraan Oo Dambiyo Siyaasadeed Lagu Soo Oogay !

Khilaafka siyaasadeed iyo loolanka ka dhexeeya labada dal ee Maraykanka iyo Iiraan ayaa marba marka ka dambaysa kor usii kacaya.

Saddex ganacsade oo Maraykanka Asal ahaana ka soo jeeda dalka Iiraan kuna nool Gobolka California ee dalkaasi ayaa waxa lagu eedeeyay inay qaadaceen oo ay ka soo hor jeesteen cuna qabataynta kala duwan ee marba lagu soo rogo dalkaasi Iiraan.

Wasaarada Caddaaladda Gobolka California ayaa sheegtay in nimankaasi baadhitaano dheer kadib lagu soo oogay dambigaasi.

Saddexdan nin ayaa magacyadooda waxay la kala yidhaahdaa Sadir Cimaad, Boran Asad iyo Hassan Ali Faadimi.

Ganacsatadan ayaa waxa la cadeeyay inay si aad ah ugu safri jireen magaalada Tahran ee Dalka Iiraan, sidoo kalena waxa la xaqiijiyay inay gawaadhi ka iibsadeen Dalka Maraykanka kuwaasi oo ay geeyeen wershad gawaadhida ah oo ay ku leeyihiin Magaalada Tahran, sidaasi awgeed saddexdaasi nin ayaa waxa haatan lagu soo daayey dammiin waxaanay sugi doonaan xukunka kama dambaysta ah oo la qorsheeyay inuu dhaco bisha June ee soo socota.

Leave a Reply