SOMCABLE

“Ganacsatada Somaliland Ayaa Shidaalka Iibinaysa Oo Soo Iibsanaysa Ee Dawladdu Shidaal Ma Keenayso Sida Uu Madaxweynuhu Nagu Yidhi…”-Ganacsade Cali-Waraabe

Nuxurka Kulan Ganacsatada Shidaalka Dalka Keentaa La Yeesheen Madaxweynah JSL

Hargeysa, 03 Oct, 2019 (Himilo)-Ganacsatada Waaweyn ee Shidaalka keenta Dalka Somaliland ayaa Madaxweynaha JSL la yeeshay kulan ujeedadiisu aheyd sidii ay wax uga ogaan lahaayeen Qorshaha cusub ee ay Xukuumaddu ku waajaheyso Haamaha Keydka Shidaalka ee ku yaalla Magaalada Berbera iyo cidda Shidaalka Dalka keenaysa ba iyo waliba in Dawladda ay shidaal keenayso.

Ugu horreyna, Ganacsade Cali Ibraahim Ciise (Cali-Waraabe) oo ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee soo dejisa shidaalka ayaa Warbaahinta uga warramay arrimahaasi, waxaanu yidhi, “Anigu, inta aan ka ogahay ama dawladdu noo sheegtay horta wax la wareegis ahi ma jirto ee waxaanu ku aragnay Warbaahinta iyo Suuqa ee Dawladdu wax bay la wareegaysaa iyo shidaal ayey keenaysaa xataa annagu ma hayno”. Ganacsade Cali-Waraabe waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Annagu Ganacsatada Shidaalka ayaanu nahay oo waxan Warbaahintu inta aanay suuqa gelin waxay aheyd in ay annaga na wareystaan oo ay yidhaahdaan maxaa ka jira”.

Ganacsade Cali-Waraabe, waxa kale oo uu ka warramay kulan ay wada yeesheen Ganacsatada Shidaalka Dalka keenta iyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo waxyaalihii lagaga wada hadlay iyo natiijadii ka soo baxday ba, “Dhawr iyo toban Ganacsato ah oo ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee Shidaalka dalka keena oo uu hoggaaminayo Sh Xasan Cabdisalaan iyo Cabdikariim Nuur, iyo Cabdillaahi Jaamac, iyo Ismaaciil Maxamed Xirsi iyo Axmed Faarax Xarbi oo ahaa Ragga noogu waaweyn ayaanu Madaxweynaha JSL u tegnay oo waxaanu Madaxweynaha ku nidhi haddii meesha immanayso annaga naga qabo ayaanu kula kaftanay, markii aanu Madaxweynaha u tegnay warkii rasmiga ahaa ee aanu u baahneyn ayuu na siiyey oo waanu ku wada raacnay, waxaanu Madaxweynuhu yidhi ‘Waar Nimanyahay Annagu in aanu intiinaa ka saarno aanu cid kale ku beddelno ama Dawladdu keento maaha, mana qaadanayno oo dawladdina keeni meyso Shidaal ee Annagu Shirkad ayaanu u hunguroonay aanu leenahay Haamo ha idiin dhisto oo Itoobiya Shidaal ka iibinaysa oo Weelkuna innaguma filna, markaa Shirkaddaa waxaanu nidhi heshiis ayaanu la qoranay oo waxaanu nidhi Shirkad yahay annagu cid u xidhi meyno oo shirkad u xidhi meyno ee haddii ay Ganacsatadayadaasi idinka iibsadaan sida ay Shirkadaha kale uga soo iibsadaan iyagaa u xor ah, Annagu se waxaanu kula talinaynaa maadaama oo aad Haamo noo dhisaysaan in idinku ka iibisaan oo shirkadahayagu intay idinla xidhiidhaan idinka qaataan oo aanu Annaguna idinku dhex joogno”.

Ganacsade Cali-Waraabe waxa kale oo uu tilmaamay qaabka ay Shirkadaasi u hawlgaleyso iyo saameynta ay ku yeelan karto Ganacsigooda, “Shirkadaasi Shidaalka halkan ku iibin meyso ee waxay ka soo iibinaysaa Ganacsatada Somaliland, markaa Madaxweynuhu wuxuu nugu yidhi shirkadaasi marka ay qiimaheeda keento haddii aad keentaan qiime ka jaban anigu idinku qasbi maayo oo waxna ka iibsan meyno ee kaa qiimaha jaban ayaa dalka lagu iibsanayaa”. Ganacsaduhu waxa kale oo uu intaasi ku daray,   “Waxaan kuu sheegayaa warkaa suuqa yaallaa waa war Been ah oo xataa Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ay faa’iido ka dhigteen, isla markaana ay Madax-dhaqameed ka hadlayaan waa warkaasi beenta ah”.

Dhinaca kalena, Ganacsade Cali Ibraahim Ciise (Cali-Waraabe), waxa uu sheegay in dorraad ay kulan kale la yeesheen Ganacsatada shidaalka Dalka keentaa Wasiirka Horumarinta Maaliyada iyo Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, “Waxaanu isla eegaynay sidii Shirkaddii la isku kayo hor keeni lahaa oo qiimaha ay ku hayso Shidaalka aanu uga gorgortami laheyn, sababta oo ah Annagu waxaanu wax ka soo iibsanaa Imaaraadka Carabta Shirkadiina Imaaraadka ayey joogtaa markaa in aanu wax ka soo iibsano xaq bay u leedahay haddii ay Haamahan inoo dhiseyso”.

Ugu dambeyntiina, Ganacsade Cali-Waraabe waxa uu ka hadlay dareenka Madaxweynaha iyo xogaagnimada uu dalka uu leeyahay, “Madaxweynuhu, maaha Qurbo-joog oo Baasaboor dibadeedna ma haysto ee waa Qof soo taagnaa ilaa maalintii la soo yabyabayey  dalkan oo wax kaga jiray hawsha oo durruuftana fahmaya, isla markii aanu is aragnay ba waxaanu ku raacnay oo aanu wada qaadanay qodobadii uu isagu yidhi, markaa Ganacsatadaa Somaliland ayuun baa iibinaysa oo iyaga ayuun baa soo iibsanaysa oo keenaya oo dawladina shidaal ma keenin mana keenayso sida uu Madaxweynuhu nugu yidhi oo waanu weydiinoo waxa uu nagu yidhi Maya oo dawladdu shidaal ma keeneyso oo Afkiisa ayaanu ka haynaa Madaxweynaha JSL”. Ayuu yidhi Ganacsade Cali Ibraahim Ciise

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Leave a Reply