SOMCABLE

Ganacsatada Oo Joojiyey Inay Alaabaha Kala Soo Baxaan Dekeda Berbera, Go’aan Dp-World Ka Soo Baxay Awgii Iyo Xukuumadda Oo Ayiday Go’aankaasi, Digniina U Dirtay Ganacsatada

“Cabashadaasi Dhinaca Dhaqaalaha, Suuqa, Iyo Caqliga Marka Loo Eego Waa Cabasho Madhan, Sababtuna Waxa Weeyi Ganacsatadu…”-Wasiir Saajin  

Berbera, 17 March, 2019 (Himilo)-Ganacsatada Reer Somaliland ee alaabaha kala soo dega Dekeda Berbera ayaa guud ahaan ba shalay si toos ah u joojiyey inay alaabtooda kala soo baxaan dekeda, iyagoo diidan heerka sicirka sarifka dollarka oo ay dhawaan waxa ka beddeshay shirkadda Dp-World ee gacanta ku haysa maamulka Dekeda Berbera.

Shaqo joojintan Ganacsatada dalku ku tallaabsadeen oo sababtay inay istaagto shaqadii Dekeda Berbera ayey Ganacsatadu ku sababeeyeen inay diidan yihiin heerka sicirka sarifka ee ay wax ka beddeshay Dp-World ee ay isla markaana ka aqbashay Xukuumadda Somaliland.

Heerka wax ka beddelka sicirka sarifka ee dhawaan soo saartay Shirkadda Dp-World ayaa ah inay ka dhigtay qiimaha sarifka ama isku beddelka shillinka Somaliland iyo Dollarku inuu noqdo $1=8,500slsh, halkii uu hore uga ahaa $1=7,000slsh.

Sidaasi awgeed, Xukuumadda ayaa mar kale shalay ku dhawaaqday inay tallaabadaasi sax tahay oo sababta ay ganacsatadu ku diidan yihiina ay waxba kama jiraan tahay, isla markaana si cad loo aqbalo oo ay ganacsatadu alaabtooda kala baxaan Dekeda Berbera.

Haddaba, Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska JSL Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa si adag uga hadlay shaqo joojinta ganacsatada iyo sababaha ay u cuskadeen.

Ugu horreyna, Wasiirku waxa uu sheegay inay sharci tahay wax ka beddelka sicirka sarifka ee ay soo saartay Dp-World, waxaanu yidhi “Markii aanu dhegaysanay cabashooyin is daba joog ah oo ka yimmid DP-World oo la xidhiidha adeega ay qabtaan, markii aanu eegnay ee aanu la tashanay Wasaaradda Maaliyada waxa cadaatay in Dp-World dacwada ay soo jeediyeen ay tahay mid Sax ah, Annagoo eegayna waxa lagu dhawaaqaa culeyska uu leeyahay waxaanu ka dalbanay Dp-World inay dallabaadkooda laba jeer u kala gooyaan oo kala ah in 12ka bisha Saddexaad laga bilaabo inay tafaariiqdoodu noqoto halkii dollar 8,500slsh halkii ay ka aheyd 7,000slsh, sidaasi awgeedna 12ka bisha lixaadna ay ku macaamili doonaan sicirka suuqa, sababtuna waxay tahay markii ay suuqa soo galeen sarifku wuxuu ahaa 7,000slsh, sarifkiina wuu kacay oo iyaguna halkii ayey fadhiyeen”.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray, “Markii aanu dhuuxnay arrinta meesha taalla waxaanu u aragnay inay samir badan muujiyeen, sidaa darteed waxaanu ogalaanay inay xaq u leeyihiin maadaama oo ay iyaga laftoodu ay ganacsato yihiin inay sicirka suuqa ku macaamilaan, balse umaanu ogolaan inay sicirka suuqa mar kaliya soo boodaan oo laba jeer ayaanu ka dhignay”.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay cabashada dadweynaha ee arrintan, “Waanu ognahay dad badan oo cabasho ka muujinaya, marka cabashadaa dhinaca Dhaqaalaha, Suuqa, iyo Caqliga loo eego waa cabasho madhan, sababtuna waxa weeyi Ganacsatadu wixii ay ku iibinaysay markii sarifku ahaa 7,000slsh hadda waxa uu noqday 10,000slsh, haddaba marka ay adeegii bixinayaana 7,000slsh ayey u celinayaan oo waxa meesha ka maqan 3,000slsh, taasina waxay ku keentay khasaare badan Dp-World iyo Dawladda ba”.

Ugu danbayntiina, W

Waxa uu amar dul dhigay Ganacsatada, “Waxaan amar ku siinayaa Ganacsatada alaabtoodii kala bixi la dekedda iyagoo ku andacoonaya arrintan inay si degdeg ah ugala baxaan dekeda, haddii ay kala bixi waayaana waxa xaq ku noqonaya oo ay muteysanayaan gannaax, waayo haddii uu qofku la yimaado wax sharciga baal marsan la yimaado oo aanu u ogalaano waxay noqon laheyd dambi, markaa sharci weeyi arrintani ee waa in si cad loo aqbalaa”. Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Wershada iyo Dalxiiska JSL

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply