SOMCABLE

Gabay: ROOB-DOON

Gabay la magac baxay Roob-doon oo uu curiyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile, oo uu kaga hadlayo abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada geeska Afrika ee muslimiintu degto, khaasatan Somaliland oo ka mida meelaha ugu darran ee abaaruhu ku habsadeen.

Abwaanku waxa uu Gabaygan markii ugu horreysay tiriyey taariikhdu markay aheyd 28/03/2016.

Abwaan Sacad isaga oo ka hadlaya xaaladda abaareed ee xilligan lagu jiro ayuu Mar kale ku soo celiyay ducadii, waxaanu ku bilaabay sidan:-

  1. Degal ooman danyartoo dam tidhi, duunyada idlaatay
  2. Cirka aan darruur caad lahayn, darifyadii qaawan
  3. Duggaaga iyo duurjoog dugsigii, diin ka bixi waaye
  4. Shinbirihii ma duulaan cirkiyo, deli cufkoodiiye
  5. Daayimow risiqa samada yaal, dunida noolayso
  6. Suuratul ad’daariyaat adaa, dira malaa’iige
  7. Dabaylaha dulgeeyaan biyaha, dhibica soo daata
  8. Adaa degal abaarsaday mar kale, doog ka soo bixine
  9. kuwa daayin sadarada shucara, dawga ku hannuunshay
  10. Ergo doonay eebbow baryada, kaama daalaniye
  11. Dirxi dhagax dhexdii nool adaan, daahna kaa qarrine
  12. Dad wuxuu tarraa wuu yaryahay, daalnay carrarkiiye
  13. Biyo daabul booyado dhuraan, waa dar-leef waliye
  14. Adaa deeq makhluuqa u shubtaa, deeqi gebbigoode
  15. Adaa darif ka darif caalamkani, doone kuu yahaye
  16. Dulmiyada khalqigu uu gefana, waa dulbadisaaye
  17. Dam kuwaad ka siisana adaa, daahrogoo nixine
  18. Adaa dabacsan ruuxii qalbiga, daacad kuu noqone
  19. Adaan deyn ka doonayn nimcada, deeqdo aadmiga’e
  20. Adaa diin islaam noogu digay, dawga kii saxa’e
  21. Adaa nebbigi (NNKHA) noo diray xaqaa, laabta noo dagaye
  22. Daalin weeyi shaydaan ninkaan, qabin digniintaase
  23. Danbi badane aadmigu wax badan, wuu dafirayaaye
  24. Adaan ruux danbigi toobay yidhi, diiday aan odhane
  25. Midkaad doonto adaa diida oo, daayin baad tahaye
  26. Adigaan rabbow kuu dikriyi, oo dantay garane
  27. Adaa doonistaydana allow, daawo kaa sugiye
  28. Ducadaydan Roob-doonadaan, kaa dalbanayaaye
  29. Dambidhaafna waan kaa rabnaa, dabacsanaantaaye
  30. Roob degalka maasheeya oo daadku mullucyeeyo
  31. Midaan dannab wax laayiyo lahayn, dooxya nala booda
  32. Duhur iyo habeen caano da’a, oo dixaha meydha
  33. Midaan duunyo naga madhin dhulkana, doog mudh soo bixiya
  34. Derbiyada magaalada mid aan, daarihii duminin
  35. Duufaan wax qaadiyo mid aan, wadan dabayl xoogle
  36. Waxaan doono eebbow adaan, diiq ku noqonayne
  37. Adaa doona aadmigu inuu, kaa dalbado kheyre
  38. Roob doonay eebbow dadkii, way il daranyiine
  39. Degdegsiimo badanoow aday, kaa dib dhicin shay’e
  40. Allahayow ducada waan diree, dalabka noo oofi

 

Aamiin, Aamiin

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland