SOMCABLE

Gabadh Yar Oo Ka Soo Dhacday Dabaqa 26aad Oo ALLE Badbaadiyey & Khasaaraha Soo Gaadhay !

Gabadh yar oo u dhalatay Dalka China ayaa waxay ka badbaaday arrin aad u layaab badan kadib markii ay ka soo dhacday dhimse aad u dheer.

Gabadhan yar ayaa waxay da’deedu tahay 26 jir waxa aanay ka soo dhacday dabaqa 26aad.

Sida waxa lagu baahiyey The Sun oo wargeyska Himilo soo xigtay gabadhan yar, waxaaanay kaligeed lagaga tegay gurigooda oo ku yaalla dabaqaasi oo ay ka badbaaday shilkaasi aadka halista u ahaa.

Gabadhan yar ayaa markii dhakhtarka la geeyay ayaa waxay dhakhaatiirtu sheegeen in dhaawaca qudha ee soo gaadhay uu yahay jabniin ka soo gaadhay mid ka mid ah gacmaheeda waxa aanay sheegeen inay xaaladeeda caafimaad aad u wanaagsan tahay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply