SOMCABLE

Furfurka Dunida Islaamka Iyo Calaamadaha Aakhiru Sammaanka !-Q.19aad

Furfurka Dunida Islaamka Iyo Calaamadaha Aakhiru Sammaanka !

                      Q.19aad

Calaamadaha Aakhiru Sammaanka !

 

 

  1. Taageerada Indha La’aanta Ah Ee Yuhuuda Iyo Nasaarada :

 

In Dadku ay daba gali doonaan isla markaana raaci doonaan una hoggaansanaan doonaan Yuhuuda iyo Naasarada waa arrin uu Nebigu NNKHA, inoo sii sheegay kuna cad Xadiiskii uu soo wariyay Abi Saciid Ilaahay haka ahaadee ee uu soo saaray Bukhaari iyo Muslim iyo Inbu maajah inay daba gali doono Yuhuuda iyo Naasarada ilaa haddii ay galaan god Masacagalay aynu ka daba gali doono, waynu ognahay sida dhabta ah in god masacagalay loogu tagayn waxa wanaaga, waxanu Ilaahay SWT Qur’aanka kariimka ah inoogu sheegay in Yuhuuda iyo Naasaradu aanay marnaba kaa raalli noqonayn adiga oo diintooda qaata mooyaane haddii aad diintooda qaadatana aanad if iyo aakhiro toona aflaxayn.

Haddii xadiiskaa Nebigu NNKHA ku dabaqno waaqica dhabta ah ee aynu haatan ku nool yihiin dadka muslimiinta ahi waxaynu aragnaa in aynu qaadano qawaaniinta waddamada reer galbeedka ah sida dhaqaalaha Arrimaha Bulshada iyo dhammaan arrimaha kala duwan ee Nolosha.

 

  1. Awooda Waddamada Reer Galbeedka Iyo Kor U Kaca Dhinaca Millatariga Iyo Dhinaca Bani’aadamtinimadaba :

Xadiis uu soo wariyay Camro Bin Al Caas ayaa waxa uu yidhi waxaan maqlay Nebiga oo NNKHA leh “Waxay saacadu dhacaysaa iyo Ruumku ay yihiin kuwa dadka ugu badan”, Saxaabadii maqashay Camro ayaa waxay ku  yidhaahdeen u fiirso Waxaad leedahay markaasi Camro ku celiyay oo yidhi waxaan sheegayaa wixii aan Nebiga NNKHA aan ka maqlay, waxa uu Nebigu NNKHA ku sifeeyay sifooyin  kala ah inay yihiin Dadka xilliga Fitnadu ay jirto Cilmiga iyo wanaaga isku sifeeya, waana dadka sida ugu dhakhsaha badan uga soo kaban kara Masiibooyinka, waana dad aad ugu sama fala oo wanaajiya daryeelana agoonka iyo ka daciifka ah, Ruumku waa Dalalka Yurub iyo Maraykanka waxaanay xilligan ka mid yihiin Dadka ku nool dunida kuwa ugu awooda badan dhinac Millatari iyo dhinac Insaaniyadeed ba waana dad ku sifaysan sifooyinka uu Nebigu NNKHA ku sifeeyay waa dad aan Niyad jabin oo aan quusan waxay ku hammiyaan inay wax qaban karaan qabsadaan, taasi oo ah mid taagan oo aynu aragno.

Sidoo kale waxaynu aragnaa awood ballaadhsiga maanta dunida ka taagan dhammaan arrimahaasi iyo kuwa kale oo aynu arki doono waxay xidhiidh la leeyihiin Dagaalka Bariga dhexe ku soo fool leh dhammaan arrimahaasi waxay ka mid yihiin qodobada aynu haatan aragnay waa kuwa dhacay oo xaqiiqa ah oo aynu arkayno oo haatan taagan ma aha kuwa u baahan marag waana kuwa dhab ah.

LA SOCO…

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland