SOMCABLE

Furfurka Dunida Islaamka Iyo Calaamadaha Aakhiru Sammaanka !-Q.18aad

Furfurka Dunida Islaamka Iyo Calaamadaha Aakhiru Sammaanka !-Q.18aad

Calaamadaha Aakhiru Sammaanka !

  1. Calaamado Haatan Dunida Islaamka Ka Taagan :

Qaraabo Goysnimo:

In qaraabada la jaro oo dadka waxa isku ahi aanay wada xidhiidhin oo aanay iska war hayn isna gooyaan waxay ka mid tahay calaamadaha saacada amase aakhiru samaanka.

In haweenaydu la waddaagto Sayigeeda Ganacsiga iyo Tijaarada waxay ka mid tahay calaamadaha Aakhiru samaanka oo waa wax maanta aynu aragno, sidoo kale waxa ka mid ah salaada oo la noolayn waayo oo la dhayalsado, arrinta aadka u muhiimka ahi waxay tahay in Masaajidada la isugu faano oo dhismahooda iyo qurxintooda xad dhaafka iyada oo tirada dadka ku tukanayaana aanay dhaafayn laba saf amase saddex waana arrin haatan taagan oo aynu aragno, in waalid inkaarku bato oo uu faafo waxaad arkaysaa ilma yar oo hooyadiisii dhashay ku leh “Bal eeg waxani maxay ahayd”, in laaluushku bato, qiimaha maceeshada oo kor u kaca, in masiixiyiin been sheeg ahi soo bataan oo uu ugu dambayn doono Masiixul Dajaalku.

Dhammaan arrimahaasi waa arrimo taagan oo aynu aragno oo ku dhex faafay gudaha Mujtamaca Islaamka ah ee Dunida Guudkeeda ku nool.

  1. Dhul Gariirka Oo Bata :

In dhul gariirku ku bato Caalamka waa mid ka mid ah calaamadaha Akhiru Samaanka iyo Saacada xilligan aynu ku jirnana waxaynu marar badan maqalnaa warar sheegaya in goobo ka mid ah dunida uu dhul gariir ka dhaco dhawrkii bilood waanu sii badanayaa dhul gariirkaasi waana arrin uu Nebigeenii suubanaa NNKHA inoogu sii waramay.

  1. Dadka Oo Ku Tartama Sidii Ay U Dhisan Lahaayeen Dhismayaal Aad U Dhaadheer :

Waxa uu Nebigu NNKHA Xadiis macnihiisu ahaa ku  yidhi  “Saacada ma dhacayso ilaa ay Dadku ku tartamaan dhismaha”,  waana arrin taagan waxaynu aragnaa in dadku ay ku tartamaan sidii ay u dhisan lahaayeen guryo aad u dhaadheer waxaynu aragnay in dhismayaal badan oo caalamka ka jiraa qaarkood ay gaadheen daruuraha waana arrina tilmaan u ah akhiru Samaanka sida uu Nebigu NNKHA inoo sheegay balse ay inagu maanta indhaheena ku arkayno.

LA SOCO…

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland