SOMCABLE

Furfurka Dunida Islaamka Iyo Calaamadaha Aakhiru Sammaanka !-Q.17aad

Calaamadaha Aakhiru Sammaanka !

 

  1. Tiknoolajiyada Iyo Heerarka Cilmiga Diiniga Iyo Maadiga,  Korodhka Sinnada, Khamriga Iyo Fikirkii Jahliga Ahaa Oo Soo Noqda :

Waa arrin xaqiiqa ah oo guud ahaan Dunida ka taagan sida uu Ilaahay inoogu sheegay Qur’aanka Kariimka suurada Yuunis Aayada 24  waxa uu Ilaahay SWT inoogu sheegayaa aayadaasi inay saacadu dhici doonto marka uu dhulku quruxdiisa qaato ee uu aad u qurux badnaado, taasi oo macnaheedu yahay marka ay dadku qurxiyaan ee ay si wanaagsan wax u dhistaan wanaajiyaana, waxaanay xilligaasi dhulku sidaasi noqdo ay dadka ku nooli aaminayaan in waxa kasta uu ku yaala ay ka badali karaan waana is aaminsiin qaldan oo ay dadku is aaminsiinayaan waxayna dadku is aamisniinayaan inay awood u leeyihiin oo ay badali karaan jawiga iyo dabeecada dhulka iyo qaababka nolosha ee kala duwan ee ka dhex socda guud ahaan dhulka waana arrimo uu Ilaahay oo kaliya ahi wax ka qaban karo, balse aadamuhu haddii ay arrintaasi galaan ay ku dawakhayaan kuna jaha wareerayaan oo inta ay daba ordayaan fikirkaasi qaldan iyaga oo aan ogayn la rogi doono.

Sababta keenaysa in dadku ay arrintaasi aaminaan waxa weeye in Tiknoolajiyadu uu awood u siiyay in ay saadaalin karaan cimilada, balse taasi macnaheedu ma aha in ay awoodi karaan in ay badalaan laakiin maalinta ay dadku isku raacaan in ay wax ka badali karaan waa marka ay saacadu kacayso ee aanay dadku war iyo wacaal toona u hayn.

Waynu ognahay oo waynu aragnaa in maalin walba cilmiga Maadiga ahi horumar gaadho oo deraasaddo cusub la soo saaro iyo heerka horumarka ee Tiknoolajiyadu ay ka taagan tahay Adduunka waynu aragnaa in Dhakhaatiir badan oo dunida ku nool ay maalin walba sheegaan inay soo saareen deraasodo cusub oo ay sameeyeen waxaanay dhammaan sheegashooyinkaasi astaan iyo calaamad u yihiin in aakhiru samaanku soo dhawaaday amase lagu gudo jiraba waayo hore u maynaan arki jirin arrimaha noocaas ah, balse marka aynu aayada aynu soo sheegnay dib u jalleecno waxaynu arkaynaa in arrintaasi tahay wax jira.

Sidoo kale waxa la inoogu sheegay Axaadiista in cilmigu uu yaraanayo jahliguna dib usoo faafayo cilmigaa la sheegayaana ma aha ka Maadiga ah ee waa Cilmiga diiniga ah waxaynu aragnaa dad aad ugu talax tagay cilmiga Maadiga ah oo aan wax aqoon ah haba yaraatee u lahayn Cilmiga diiniga ah waana kaa jahliga ku cad Axaadiista Nebiga NNKHA.

Waxa uu Nebigu NNKHA Xadiiska Macnihiisu ahaa “Waxa ka mid ah Shuruudaha Saacada in Cilmiga la qaado, jahliguna soo if baxo, sinaduna faafto, cabista khamriguna badato”, dhammaan arrimahaasi waa arrimo maanta taagan oo aynu taaban karno oo marag ma doon ah guud ahaana dunidana ku faafay dhammaantoodna waa Masaa’il diini ah oo aan wax xidhiidha ah la lahayn Tiknoolajiyada, waxaanu xadiiskaasi inoo cadaynayaa in jahliga la sheegayaa uu yahay Jahliga dhinaca Cilmiga Diinta ee aanu ahayn Dhinaca cilmiga Maadiga iyo Tiknoolajiyada ah.

Waxaanu Jahligaa diiniga ahi wataa Khalkhal dhinaca fikirka ah iyo sidoo kale madaahibta iyo dhinaca ruuxdaba oo ruuxdii haddii waxaan sax ahayn oo aan sal iyo raad toona lahayn lagu hago oo lagu hoggaamiyo way dhibtoonaysaa.

 

 

LA SOCO…

 

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland