SOMCABLE

Findhicilka Ilkaha Oo Gallaaftay Nolosha Haweenay U Dhalatay Dalka Portugal !

Dhakhaatiirta Dalka Portugal ayaa ku guuleystay inay xaliyaan hal-xidhaalaha dhimashada haweenay u dhalatay Dalkaasi oo meydkeeda loogu tagay Suulliga gurigeeda.

Sida lagu baahiyey Sky News oo Wargyeska Himilo ka soo xigtay ayaa waxa ay dhakhaatiirtu xaqiijiiyeen in haweenaydaasi oo da’deedu aheyd 50jir inay u geeriyootay Findhicil ku siibtay oo cunaha u fadhiistay.

Haweenaydan ayaa ka hor intii aanay geeriyoon waxay dhakhtarka tagtay laba jeer, balse dhakhaatiirtu waxay garan waayeen waxay ka cabanayso.

Haweenaydan ayaa markii labaad ee ay dhakhtarka ka soo noqotay waxay ku dhex geeriyootay gurigeeda, waxaana markii meydkeeda dhakhtarka la geeyey ay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen inay u geeriyootay findhicilkaasi sida qaldan ay u liqday.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply