SOMCABLE

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Dad Ku Dhintay Qaraxa Ka Dhacay Muqdisho Ay Badankoodu Ka Soo Jeedeen Somaliland

Guddoomiyaha UCID Wuxuu Sheegay Inay Madaxweyne Biixi Ku Garab Istaagayaan Wixii Wanaagsan, Laakiin La Saxo Hadduu Sheego Wixii Khalad Ah Ee Jira

Hargeysa, 4 Maarij, 2019 (Himilo) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ahi ay Xukuumadda ku barbar taagan yihiin waxa wanaagsan ee ay samayso, laakiin marka ay tilmaamaan wixii khalad jira loo baahan yahay in khaladkaa la saxo oo aan si kale loo arag.

Guddoomiye Faysal oo khudbad ka jeediyey Munaasibad uu Madaxweynuhu Shalay ku daah-furay Barnaamijka Shaqo-Qaran, ayaa sidoo kale ka hadlay Dad badan oo dhawaan ku geeriyooday Qarax culus oo kooxda Al-shabaab ku dhufatay Huteelka Makka Al-mukarrama ee Magaalad Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha UCID oo ugu horreyn ka hadlaya Dadka ku Geeriyooday Qaraxii toddobaadkii hore ka dhacay Muqdisho ayaa yidhi “Waxaanu Tacsi u diraynaa Dadkii Soomaaliya ee ku dhintay Magaalada Muqdisho (Qaraxii Huteelka Makka Al-mukarrama). Ilaahay Samir iyo iimaan haka siiyo Dadka halkaa ku dhintay (Ehelkooda), Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu Soomaaliya nabad siiyo, waa jaarkeenii, waa Dadkeenii, inkasta oo la leeyahay in badan oo ku dhimatay waxay ka soo jeedeen Somaliland, waxaanu leenahay Samir iyo iimaan.”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay inay yar yihiin Dadka loo Magacaabay Shaqooyinka ay Aqoon u leeyihiin “Qofka marka meel loo Magacaabo meel uu aqoonteeda leeyahay wuu ka midho-dhallinayaa, laakiin marka Qofka loo Magacaabo meel aanu Aqoonteeda lahayn wuu iska yuurursanayaa, waa waxaan Dalkeena ku canaanto, Waayo? inta meel inoo fadhida ee Xirfaddeeda leh meeshaa lagu Magacaabay aad bay u yar tahay. “ ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Madaxweynaha ku amaanay in Xukuumadiisu ay dhanka shaqooyinka si Caddaalad ah u bixiso “Dawladda uu Muuse Madaxda ka yahay illaa hadda sida shaqooyinka loo bixiyo, si Caddaalad ah ayuu u wadaa. Waxa imika farta lagu fiiqaa oo la yidhaahdaa Xukuumaddu Gees bay ka rarran tahay, laakiin haddii berigii horeba sidan loo samayn lahaa Carruurta Liibiya tagtaana may tagteen (Tahriibteen), Dadkuna may yidhaahdeen Gees bay ka rarran tahay..”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Labadayada Xisbiba (Mucaaradka) waanu Ag-fadhinaa Madaxweynaha, wixii wanaagsana sidaas ayaa la isku garab taagayaa, ee markaanu waxa khaldan aanu sheegnana khaladka saxa..”

Himilomedia.com

Hargeys-Somaliland

Leave a Reply