SOMCABLE

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Sababta Caalamku U Aqoonsan Waayey Somaliland

“Dal Waxa Burburin Kara Inyar Oo Dawladdii Soomaaliya Ee Xooga Weyneyd Muddo Yar Ayaa Lagu Burburiyey, Balse Dhismaha Dalku Waxa Uu Qaataa…”-Faysal

Hargeysa, 20 May, 2019 (Himilo)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa ka warramay sababta caalamku u aqoonsan waayey Somaliland muddo 28sanadood ah.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe, waxa uu arrintan kaga hadlay wareysi uu shalay siiyey idaacada BBC-da, waxaanu ugu horreyn uu ka jawaabay su’aal laga weydiiyey sababta muddadaasi dheer loo aqoonsan waayey Somaliland, waxaana uu yidhi “Waxa loo ictiraafi waayey Somaliland waa wax gudaheeda ah ee maaha wax dibad kaga yimid, marka jabhadi dal qabsato waxa weeyi inay gacanta ku dhigto oo ay dhisto hay’adihiisa, marka ilaa 15sano ay jirtona waa in dimuqraadi loo beddelaa”. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Waxa nasiib darro noqotay markii SNM dalka qabsatay way ka gaabisay oo dhallinyaradii halganka ku guuleysatay waxay sameeyeen in iyagu dhexdoodii isku dileen, markii laga soo kabtayna siyaasad mideysan oo loo dhan yahay oo xataa kuwii SNM-ta ahaa may sameyn ee markiiba waxay u kala qaybsameen Mucaarid iyo Muxaafid, taasi oo ay ii sheegtay haweyneyda ingiriiska aheyd ee la yidhaa Linda oo xilligaasi dalka timid inay la kulantey mucaaridka oo ay ku tidhi ‘Waxba maydaan dhisan ee maxaad mucaaridaysaan’.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid waxa kale oo uu iftiimiye mustaqbalka dadka reer Somaliland, “Mustaqbalka dadku waxa uu ku xidhan yahay kolb hoggaanka dalka jooga inuu ummadda hoos u dhigo iyo inuu kor u qaado niyaadooda, ilaa hadda anigu maan arag hoggaan ummadda tusa rejo, waayo siyaasadeedu waa is dhaliil iyo iska celis ayuu waqtigu ku dhammaadaa, laakiin waxaan fileyaa dhallinyara oo imika ah ilaa 75% in doorashooyinka dambe haddii ALLE yidhaa inay dad aqoon leh oo waddaniyadi ku dheehan tahay u dooran doonaan dawladda hoose iyo golaha Wakiillada, kuwaasoo ka baxsan shaqsimo oo dan guud ku salleysan, taasina waxay keeni doontaa in la doorto Madaxweyne wanaagsan oo baahidooda garanaya isla markaana soo xusha gole wanaagsan”.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamay sida dal lagu burburin karo iyo sida loo dhisi karo, “Dal waxa burburin kara inyar oo dawladdii Soomaaliya ee xooga weyneyd muddo yar oo laba sano ah ayaa lagu burburiyey, balse dhismaha dalku waxa uu qaataa muddo dheer, markaa waxa loo baahan yahay inuu dadku samro si kolba uu uga sii badiyo wixii uu qabto Madaxweynihii hore ka kale ee ka sii danbeeya”. Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply