SOMCABLE

Faysal Cali Waraabe Oo Fagaare Ka Sheegay Inaanu Aqoonsanayn Sharciyadda Golaha Wakiillada & Jawaabta Uu Kulmiye Ka Bixiyey

Hargeysa, 29 Noofambar, 2018 (Himilo) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland u soo jeediyay inay soo celiyaan suuqii Xorta ahaa ee Somaliland ka jiray si buu yidhi Shirkadaha Isgaadhsiintu ugu tartamaan Suuqa, maaddaama buu yidhi hore golahaasi uu Cid gaar ah Kooto ugu xidhay inay Dalka keento Xadhigga Internet-ka ee dhulka hoostiisa mara.

Faysal oo Shalay ka hadlayey soo dhaweyn Hargeysa loogu sameeyay Guddoomiyaha Shirkadda TELESOM Cabdikariin Maxamed Iid oo ku guulaystay Abaal-marinta Guddoomiyaha ugu Maamul wanaagsan Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Afrika, ayaa sheegay inaanu Baarlamaanka u aqoonsanayn inay Sharci yihiin, maaddaama ay muddo-dhaaf ku fadhiyaan Kuraasta, haddana looga baahan yahay inay Sharciga ilaaliyaan oo ay soo celiyaan Tartankii Shirkadaha Isgaadhsiinta.

Guddoomiyaha UCID oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Somaliland waxay ku caan baxday inay jebiso Dastuurka, inta jeer ee ay la jebiyey Dastuurka Ciiddaa wuu ka badan yahay, waxa ka mid ah Kootada la xidhay, waxa jira intaas oo Shirkadood oo Kooto loo xidhay, waxaanu leenahay hala joojiyo Kootada loo xidhayo Shirkadaha, Suuqa xorta ah hala furo.”

Guddoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Badda Jabuuti ay maraan Xadhko badan oo Isgaadhsiineed, balse aanay Somaliland marin hal Xadhigna “Badda Jabuuti waxa mara 11 Xadhkaha Internet-ka (Cable), innagana waad ogtihiin oo midh keliya ma maro, taasi waxay ka mid tahay suuqii xorta ahaa oo la xakameeyay” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Maanta xitaa Lacagta aynu diraynaa Jabuuti ayay martaa, telefoon kasta oo aynu dirnaa Jabuuti buu maraa, Amnigeenii ayaa xitaa khatar ku jira, sirteennii ayaa khatar ku jirta, meesha eexasho timaaddaana horumar ma yimaaddo, markaa Anigu Golaha Wakiillada uma arko inay sharci yihiin, laakiin way fadhiyaane Kootada ha jabiyaan..”

Laakiin, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi-dheere oo hadalka kaga dambeeyay ayaa hadalka Fasal ku sheegay mid aan sax ahayn, waxaanu sheegay in haddii uu aqoonsan waayo in Baarlamaanku sharci ku fadhiyo aan isagana loo aqoonsanayn inuu yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, waxaanu yidhi “Guddoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu yidhi, Baarlamaanka uma Aqoonsanin inay jiraan, haddaanu Sharci ahayn Baarlamaanku Adiguna Sharci ma noqonaysid Guddoomiye, markaa Guddoomiye Baarlamaankeenu Sharci ayuu ku fadhiyaa, doorasho ayay ku yimaaddeen oo Shacabka Somaliland baa doortay, Muddo dhaaf bay yihiin oo waa run, laakiin illaa Doorasho dhacdo oo aynu beddelno waa Sharci, waxaana beddelaya Baarlamaan aynu doorano, markaa lama odhan karo ma aqoonsanin, Waayo? Adiga ayaanu Xisbi Qaran kuu aqoonsan nahay, waxaana kuu aqoonsan Annaga oo Xisbiga KULMIYE ah…”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply