SOMCABLE

Farmaajo Oo Sheegay Inaan Al-shabaab Lagaga Adkaan Karin Dagaal Dhulka Ah Oo Keliya

 

Muqdisho, 13 Feebarweri, 2018 (Himilo) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la xoojin doono duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Al-shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Kooxda Al-shabaab aan lagula dagaalami karin oo kaliya ciidamo dhulka ah, laakiin loo baahan yahay iskaashi heer caalami ah, isaga oo soo dhaweeyay duqeymaha Mareykanka.

Waxaa uu sheegay in duqeymaha ay ka mid yihiin tallaabooyinka lagaga hor-tagi karo weerarrada Kooxda Al-shabaab.

Isaga oo ka hadlayay sida ay dowladdu ugu guuleysatay wax ka qabashada Amniga ayuu yidhi “Waxaad ogtihiin Qarax ka dhaca magaalada Muqdisho waxaa ugu danbeysay 28kii October weerarkii Hotelka Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho, waxaa muuqata in shaqo wanaagsan wixii waqtigaa ka danbeeyay laga qabtay Amniga.”

Farmaajo ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay waqti gaaban sida uu hadalka u dhigay in lagu soo afjari karo Al-shabaab iyo Ururada kale ee la mid ah ee dagaalama Soomaaliya.

 

Leave a Reply