SOMCABLE

Farmaajo Oo Muqdisho Ku Soo Dhaweeyay Madaxweynaha Dal Uu Khilaaf Ka Dhexeeyo Jabuuti

Muqdisho (Himilo) – Madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki iyo Wegay Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Isaias Afwerki iyo Weftiga uu hoggaaminayo ayaa waxa Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, sidoo kalena Shacab badan ayaa iskugu soo baxay Fagaarayaasha Muqdisho, si ay u soo dhaweeyaan Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Weftigiisa.

Madaxweynaha dalka Ereteriya iyo Weftigiisa ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ku joogi doona Muqdisho, kaddib casuumaad uu u fidiyey Madaxweyne Farmaajo.

Booqashadan ayaa salka ku haysa abuuridda hannaan iskaashi iyo mid diblumaasiyadeed oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Ereteriya, iyo dardargelinta qorsheyaasha wadajirka ah ee ku aaddan amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Laakiin, booqashada Madaxweynaha Eratariya ee Muqdisho ayaa imanaysa xilli uu khilaaf diblumaasiyadeed oo aad u cakiran uu ka dhexeeya Dawladda Jabuuti oo Ciidammado Nabad ilaalineed ka joogaan Dalka Soomaaliya.

Dadka siyaasadda faalleeya ayaa aaminsan in booqashada Madaxweynaha Eratariya uu Muqdisho ku tagay ay Tilmaan ka bixinayso sida aanu u wanaagsanayn xidhiidhka Soomaaliya iyo Jabuuti.

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply