SOMCABLE

Faransiiska Oo Dib U Celinaya Sawir-gacmeedyo Uu Ka Urursaday Dalal Afrikaan Ah Oo Uu Gumaystay

Paris, 29 Noofambar, 2018 (Himilo) – Madaxweynaha dalka Senegal, Mcky sall waxaa uu sheegay inay doonayaan in dhamaan farshaxanada laga qaaday dalkiisa iyo dalalka kale ee Afrika ee iminka yaala madxafka Fransiiska dib loogu soo celiyo qaaradda Afrika.
Madaxweyne Macky Sall ayaa sidoo kale sheegay in arrintan uu ku wargeliyay dhigiisa Fransiiska, Emmanuel Marcon, waxaana uu yidhi “Waxaanu dooneynaa in farshaxanada gaadhaya tobanaanka kun ee la qaatay xiligii gumeystaha dib loogu soo celiyo dalalka Afrika.”
Wasiirka dhaqanka ee dalka Senegal, Abdou Latif Coulibaly waxaa isna sheegay in durbaba dowladda Fransiiska ay weydiisteen inkabadan boqol farshaxan.
Madxaf cusub oo lagu keydinayo ilbaxnimada iyo dhaqanka dadka madow ayaa lagu wadaa in laga furo dalka Senegal, kadib markii dowladda Shiinaha ay ku maalgelisay lacag dhan labaatan milyan oo doolar.
Dowladda Benin ayaa hore iyadu na u dalbatay in lasoo celiyo dhamaan farshaxanadii laga qaatay dalkaasi xiligii gumeysiga.
Arrinka ayaa sidoo kale imaaneysa iyada oo inta badan madxafyada Yurub ay oggolaadeen inay farshaxana badan ay dib ugu celiyaan dalka Nigeria.
Dadka qaar ayaa arrinta u arka mid u wanaagsan sumacadda dalalka Yurub oo inta badan guumeystay qaaradda Afrika.
Ousmane Aledji oo ah agaasimaha xarunta dhaqanka ee dalka Benin ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay qaabkan cusub ee la isku waydaarsanayo waxyaabaha dhaqanka iyo taariikhiga ah.
Arrintan ayaa waxay sidoo kale imaaneysaa, kadib markii koox khuburo ah ay madaxweynaha Fransiiska u gudbiyeen warbixin ka hadleysa qaabka loo celin karo farshana gaadhaya tobanaanka kun ee yaala dalka Fransiiska, kuwaas oo intooda badan la qaatay xiligii gumeysiga. Hase-yeeshee madaxweyne Macroon ayaa ballan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo celin doono farshaxanadaasi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply