SOMCABLE

Duruufaha Ciyaaraha iyo Dhallinyarada: Imtixaan Horyaalla Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland

Tartankii Xisbiyadu wuu dhammaaday, loolankii iyo ololhii wey dhammaadeen, Doorashadii Madaxtooyada waa la galay, Guddiga Doorashooyinka Qarankuna shalay ayey soo saareen natiijadii hordhaca aheyd ee doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 13kii bishan Noofambar ee 2017, waxaana ku guuleystay murrashaxiintii Xisbiga Kulmiye ee kala ahaa Madaxweyne Md Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeen Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), sidaas awgeed Xukuumadda cusub ee dhalatay waxa hor yaalla hawlo culus oo ay ka mid yihiin qorshaha iyo nidaamka ay ku wajahaan dhinaca Ciyaaraha iyo dhallinyarada.

aaHaddaba, iyadoo Xisbiyadu markii ay tartamayeen aanay soo bandhigin siyaasadooda ku wajahan dhinaca ciyaaraha, ayaa haddana Xukuumadda la filayo inay dhalato, hor yaalla arrimo badan oo u dhinaca ciyaaraha oo u baahan in wax laga bedelo, waxayna kala yihiin sidan

1-Somaliland Beesha Caalamka wali aqoonsi kamay helin, mana jiro urur ama dal si toos ah uga caawiya dhinaca ciyaaraha sida Fifa ama Caf, sidaas oo ay tahay waxa Xukuumadda dhallatay laga filayaa inay xooga saarto sidii ay Ciyaaraha wax uga qaban lahayd, heerna u gaadhsiin lahayd.

2-Guddida Olombikada Qaranku, Waddan kasta oo Caalamka ahi wuu leeyahay, Guddida Olombikadu Qaranku shaqadiisu waa isku xidhka ama Shabakada dhexda u ah Xidhiidhada Ciyaaraha, oo haddii is qabsi yimaado, Guddida Olombikada ayaa xallinaysa is qabsigaas ama khilaafkaas, oo xattaa marka ay noqoto in Waddanku uu safar dabadeed oo dhinaca ciyaaraha u baxayaan ama Waddan kale damco inuu dalka yimaado si ciyaaro saaxibtinimo uu u leeyasho dalkaas, kaalin weyn buu Guddida Olombikadu ka qaataan, balse waxa dhab ah in aanu dalka ka jirin Guddida Olombikadu, markaas Xukuumadda dhallan doonta waxa looga fadhiyaa inay Guddidaas sameyso ama magacawdo.

3-Horyaalo iyo Tartamo joogto loo qabtaa ma jiraan, waxaana Xukuumadda dhalan doonta waxa muhiim ah inay xooga saarto sidii Tartamo joogto ah iyo Horyaalo u qabato, si ciyaaraha dalku horumar u gaadhan.

4-Xidhiidhada kala duwan ee ciyaaruhu, iyagu marar badan bay tartamo qabteen, balse ma leh Miisaaniyad ay tartamo ku qabtaan, sidaas oo ay tahay waxa muhiim ah in Xukuumadda dhallatay Miisaaniyad ku filan Xidhiidhada siiso, si Tartamo loo qabto.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply