SOMCABLE

“Duqa Degmada Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Keliya Ayaa Xasaanad Leh Oo Xubnaha Kale Ee Golayaasha Degaanku Wax Xasaanad Ah Ma Yeelanayaan…”-Golaha Wakiillada

Golaha Wakiilada Oo Wax Ka Beddel Ku Sameynaya Magaca Dawladaha Hoose, Tirada Xubnaha Deegaanada Iyo Xasaanadooda

Hargeysa, 09 Apr, 2019 (Himilo)-Fadhigii Golaha Wakiillada JSL ayaa Mudanayaasha loogu qaybiyey nuqulada xeerka ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka oo ay wax ka beddel iyo kaabis ay ku soo sameeyeen Guddi hoosaadka Golaha Wakiillada ee Arrimaha Gudaha.

Fadhigan shalay ayaa waxa shirguddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Baashe Maxamed Faarax ayaa ugu horreyn uu Mudanayaasha uga xog warramay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Guduhu Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaaki), wax ka beddelka iyo kaabista xeerkan ay guddi ahaan ku soo sameeyeen, waxaanu yidhi “Mudanayaal, waxay dhawaanahan ba guddigu gacanta ku haysay oo ay ka soo shaqeynaysay Xeerka ismaamulka gobollada iyo degmooyinka oo ay Xukuumaddu golaha usoo gudbisay oo runtii ah xeer muhiim ah oo u baahan in si taxadir iyo waayeelnimo ay ku jirto inuu goluhu u eego”.

Haddaba, wax ka beddelka ay guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee Golaha Wakiilladu ku sameeyeen Xeerka ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ayaa waxay saameynayaan qodobo badan oo xeerkaasi ka mid ah, kuwaasoo sheegaya beddelaada Magaca Dawladaha Hoose, Tirada Xildhibaanada, Xasaanada Xildhibaanada.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Guduhu Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaaki), ayaa faahfaahin ka bixiyey wax ka beddelkaasi, waxaanu yidhi “Kelmada Dawladda Hoose waxa lagu beddelay Degmooyinka, Kelmada Caasimada Hargeysa waxa lagu beddelay Degmada Hargeysa, waxaana loogu daray erayga ‘A+’ oo ka danbeynaya Degmada Hargeysa”. Xildhibaan Ballaaki waxa uu intaasi uu ku daray wax ka beddelka ay ku soo sameeyeen Tirada Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka, “Tirada Xildhibaanada degmooyinka derajada ‘A+’ oo hore u aheyd 25xubnood, Degmooyinka derajada ‘A’ waxay hore u aheyd 21xubnood, Degmooyinka derajada ‘B’ wuxuu hore u ahaa 17xubnood, Degmooyinka derajada ‘C’ wuxuu hore u ahaa 13xubnood, Degmooyinka derajada ‘D’ wuxuu hore u ahaa 19xubnood, tirada xubnaha golayaasha deegaanku ee degmooyinku waxay ku sallaysan yihiin derajooyinka oo kala ah Degmada Hargeysa ‘A+’ 15xubin gole degaan oo loogu yeedhayo ‘Counciller’, Degmooyinka derajada ‘A’ waxay noqonayaan 11xubnood, Degmooyinka derajada ‘B’ waxay noqonayaan 9xubin Gole Deegaan, Degmooyinka derajada ‘C’ waxay noqonayaan 7xubin Gole Deegaan, Degmooyinka derajada ‘D’ waxay noqonayaan 5xubin Gole Degaan, waxaanay degmooyinkaasi ‘D’ yeelanayaan golayaal deegaan markay golayaashu ansixiyaan”.

Xildhibaan Ballaaki waxa kale oo uu tilmaamay wax ka beddelka ay ku sameeyeen xasaanada xildhibaanada golayaasha degaanka, “Duqa Degmada iyo Ku xigeenkiisa oo keliya ayaa xasaanad leh oo xubnaha kale ee golayaasha degaanku wax xasaanad ah ma yeelanayaan, waxaana loogu yeedhayaa xubno gole degaan mana bannaana in loogu yeedho xildhibaano”.

Dhinaca kalena, Xildhibaan Ballaaki waxa uu iftiimiyey wax ka beddelka ay ku sameeyeen kala dirista golayaasha degaanka, “Qodobka 33aad oo hore u ahaa qodobka 29aad waxa lagu soo daray faqrad cusub oo noqonaysa sidan, haddii doorashada golaha degaanku ku qabsoomi weydo xilligeedii golihii hore ayaa xilka sii haynaya inta laga soo dooranayo gole cusub, waxaana qiimeynaya go’aana ka gaadhaya golaha Guurtida kadib marka golaha Xukuumaddu sidaa u soo jeediso”.

Sidoo kale Xildhibaan Ballaaki waxa uu xusay “Xeerkii hore ee 2000 la sameeyey muu sheegayn haddii ay muddada golayaasha degaanku dhammaato sifo loo raacayo, Dastuurkuna xeerkan ayuu u jideeyey oo xeerkan ayaa qeexaya ayuu leeyahay”.

Ugu dambayntii, Maalmaha soo socday ayey mudanayaasha Golaha Wakiilladu guda gali doonaan dood ay ka yeeshaan wax ka beddelka iyo kaabista ay guddi hoosaadka golaha Wakiillada ee arrimaha guduhu ku soo sameysay Xeerka ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka, kadibna cod ayaa loo qaadi doonaa ay mudanayaashu ku ansixiyaan haddii ay ku ogolaanayaan amase ay ku diidayaan ba, waxaana xusid mudan in tallaabadani tahay mid wax ka beddeli doonta xaaladda siyaasadda, taasoo saameyn doonta Xisbiyada iyo guud ahaan ba ummadda, waxaana la sugi doonaa natiijada ka soo baxda Golaha Wakiillada.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply