SOMCABLE

Dufcadii 11aad Oo Ka Kooban 606 Arday Oo Ka Qalinjabiyey Jaamacadda Admas Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shahaadooyin Ku Sagootiyey

Hargeysa, 10 Oct, 2019 (Himilo)-Dufcadii 11aad oo ka kooban 606 Arday ayaa ka qalinjabiyey Jaamacadda Admas ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo munaasibad ballaadhan oo loogu foolladeeyey loogu qabtay Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadii Qalinjabinta Ardayda Jaamacada Admas ayaa waxa ka soo qaybalay masuuliyiin ka kala socday xukuumadda, Xisbiyada Mucaaridka, Waalidiin, Arday iyo Marti sharaf kale, oo uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) kuwaas oo dhammaantoodba la qaatay farxada Ardayda qalinjabisay.

Ardaydan Jaamacada Admas ka qalinjabisay ayaa baratay culuumta kulliyadaha kala duwan ee ay bixiso jaamadaasi oo isugu jira heerka Koowaad ee Degree iyo heerka labaad ee Master, waxaana ka mid ah kulliyadaha ay Ardaydaasi ka qalinjabisay oo kala ahaa Project Planning and Management, Accounting, Architecture and Urban Planning, Social Work, Economics, Human Resource (HR), ICTV, Nursing, Development Studies, Management, Public Heath iyo kulliyado kale oo ay bixiso Jaamacaddu.

Ugu horreyn, waxa munaasibadaasi ka hadlay Madaxweynaha Jaamacada Admas Dr. MollaTsegay, ayaa u hambalyeeyey Ardayda qalinjabisay, isagoo sidoo kalena munaasibada kaga dhawaaqay  in Jaamacada Admas qaybteeda Addis Ababa ay siisay deeq waxbarasho 5-ta Arday ee ugu sareeya ee maanta ka qalinjabiyey Jaamacada Admas qaybteeda Hargeysa waxbarasho billaash ah oo shahaadada labaad ah (Master).

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna munaasibadaasi khudbad ardayda uga jeediyey ayaa ku booriyey inay waxbarashada sii wataan, ismarkaana ay iyagu abuurtaan fursado shaqo.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo munaasibadaasi ka haday ayaa waxa uu yidhi “Mudaneyaal iyo Marwooyin dhammaan, Ardayda Qalinjabinaysa, waxa maanta sharaf weyn inoo ah inaynu ka soo qaybgalno xafladdan ay ku qalinjabinayaan in ka badan 606 Arday oo wax ka bartay Jaamacada Admas, oo runtii wax weyn ku soo biirisay Qarankan.

Dhallinta iyo waayeelka qalinjabiyey iyagana waxaan leeyahay hambalyo hambalyo, Illaahay waxaan idiinka rejaynaynaa mustaqbal wanaagsan, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa Jaamacada Admas oo runtii ah jaamacadaha ugu mudan dalka oo muddo 15-ka sano ah wax weyn ku soo kordhiyey, waalidka iyo macalimiinta waxaan leeyahay Hambalyo aadbaan idiinku hambalyeynayaa,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo khudbad u jeedinayey Ardayda maanta ka qalinjabisay Jaamacada Admas.

Sidoo kale waxa iyaguna intii munaasibadu socotay hadalo ka soo jeediyey masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Tacliinta sare Axmed Muuse Muruud, Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Murrashaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga Waddani iyo masuuliyiin kale kuwaasoo dhammaantoodba ardaydii qalinjabisay madashaasi uga jeediyey hadalo dhiirigalin iyo dardaaran ah.

Munaasibadan ay ku qalijnabiyeen ardayda Jaamacada Admas oo aheyd mid cajiib ah oo intii ay socotay xafladda uu sii qurxiyey Roob Ardaydii iyo Waalidiintii dammaashaadayey ay aad ugu diirsadeen iyo sidoo kale.

Sidoo kale waxa xusid mudan in lix walaalo ah ay shalay ka qalinjabiyeen jaamacadda, Kulliyada HEALTH OFFICERS oo loo dhaariyey inay sirta bukaanka ilaaliyaan, Arday Qaxoonti ku ah Somaliland oo ardayda qalinjabinaysay ka mid ah iyo Waaxda Imigrationka iyo Dab-damiska oo billado la siiyey, waxaanay arrimahani ka mid ahaayeen waxa ku cusub jaamacadaha.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply