SOMCABLE

DUCO WAALID

Aniga oo ah Madar Cabdi Axmed ahna Guddoomiyaha/Mulkiilaha warbaahinta Himilo Media Group walaalayaal waxaan illaahay ka baryayaa inuu qabriga u nuuro oo uu u waasiciyo carrabkeedana uu ku sugo jawaabta saxda ah isla markaana jannatul fardowsa ka waraabiyo HOOYADAY MARXUUMAD AMRAN SHEEKH CALI CABDI DHEERE oo xanuun kedis ah oo ku soo booday u geeriyootay, kuna geeriyootay cusbitaalka Hargeysa Neurology ee ku yaala caasimada Somaliland, habeen jimce soo galayo oo lagu aasay xabaalaha xeedho ee duleedka waqooyi ee Hargeysa, subaxii jimce ee ay taariikhdu Hijriyadu tahay 21ka Jamaadu-al-thani 1436, kuna began halka taariikhda Milaadiguna ay ahayd 10 April 2015.
Walaalayaal waxaan mar kale illaahay ka baryayaa inuu idinka aqbalo ducada iyo ergeda aad illaahay u weydiiseen ee ah Waxaanu Marxuumadda Eebbe Uga baryeynaa Jannadii Farowsa inuu ka waraabiyo, dhammaan Ehelkii, qaraabadii iyo Qoyskii ay Marxuumaddu ka baxdayna Samir iyo Iimaan ka siiyo. Aamiin……….Aamiin………….Aamiin
INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland