SOMCABLE

Diyaarado Laga Soo Riday Turkiga Caydhsanaya Kurdiyiinta & Isreal Oo Khaati Ka Joogta IRAN

 

Suuriya, 11 Feebarweri, 2018 (Himilo) – Diyaarad dagaal oo ay leedahay Israa’iil ayaa burburtay xilli la ganay gantaal nooca lidka diyaaradaha ee ay Suuriya leedahay kaddib markii diyaaraddu ay fulisay weerrar ka dhan ah bartilmaameedyo Iiraan ay ku leedahay gudaha waddanka Suuriya, waxaa sidaas sheegay milateriga Israa’iil.

Labadii duuliye ee diyaaradda wadday ayaa iyagoo badqaba baarashuut kaga booday diyaaradda kaddib markii ay ku burburtay waqooyiga Israa’iil, markii dambana Cisbitaalka ayaa la dhigay labada duuliye.

Israa’iil ayaa sheegtay in diyaaradeeda dagaalka ee F-16 ay waday weerraro ay kaga jawaabaysay diyaaradaha aanay cidina wadin ee ay Iiraan leedahay oo gudaha u soo galay Israa’iil, diyaaradahaasi aanay cidina wadin ayaa markii dambe laga horjoogsaday hawl-galkii ay wadeen.

Leave a Reply