SOMCABLE

Dhulkii: Waxay Abaartii I Baday & Beerid La’aanteyda !!!-W/Q Cabdiraxmaan Xuseen Beddel

Dhulku wuxuu ka mid yahay qodobada dabiiciga ah ee wax soo saarka waxaana ku duugan kheyraad badan waana rukunada ugu muhiimsan wax soo saarka oo aanay la’aantii suurto gal ahaateen in la helo dheefta badan ee aadamaha dhulka ka manaafacaadsado dhan kasta oo ay ahaataba, hayeeshee waa deeqaha uu ilaahay swt inagu galladay.

Haddaba, waddankan aan ku nool nahay ee Somaliland kama faa’iidaysano gabi ahaanba nimcadan ina agtaal ee diyaarka inoo ah inkastoo ay jir karaan caqabado ina hor taagan oo dhinacyo badan lihi haddana iskuma dayno inaan u badheedhno arrintani laga yaabi lahaa inaan ka sal gaadhno halkaan u socono oo ah wax soo saar  waa haddii ay himiladaasi inagu jirto, waayo dhulku waa sidii candho dihin ama darrarsan oo u baahan wixii lisan lahaa (extraction) hadday noqoto in la maalo waxa fulin kara shakhsi, qoys, bulsho, iyo ilaa heer qaran waa hadday inaga go’an tahay.

Maaha kow iyo laba toona inay bulshadeenu la ildarnayd wax soo saar la’aanta dhanka beeraha sida midhaha, khudrada, iyo gabi ahaanba firileyda aan quudano haddii aad weydiiso dadkeenu waxay ku odhanayaan mahaysano waxaan kula soo baxno (capital) haddana fikirkii ayaan haynaa (Entrepreneurship) ayey kuugu jawaabayaan ha yeeshee waxaan u muuqanaa tukaan weyn oo ku yaalla geeska afrika waayo waxaan nahay  quutayaal wacan (excellent consumers) kuwaasoo ku ceesha waxaanay lahayn oo tayo liita ku darsoo ma jiraan laabab casri (modern laboratory) oo aan ku ogaano tayada cuntooyinkan aan cuno ee laga soo waarido adduunyada dacaladeeda kala gadisan iyadoo laga yaabo inay keeni karaan cuduro halisa sida macaan, dhiigkar, gastric iwm,  waayo waa la dhalan gadiyaa ama la cimri dedajiyaa (Genetically modified) si loo tarmiyo dhirtan oo ay uga helaan faa’iido degdeg ah.

Aan u imaado muhiimada maqaalkan aan  kaga warramayno  dhulka iyo faa’iidadiisa inkastoo ayeynaan kaga warrami karin qoraal kooban haddana fikirkayga oo aanan ku ladhin xogo kale ayaan isku weydiiyey waddankeenu ma yahay mid ku habboon wax soo saar jawaabta iisoo  baxday waa HAA !, waa haddii loo yahay diyaar  la helana cid ay arrintani ka go’an tahay, laakiin maaha inaan yeelano Wabiyaal dhaadheer se kaliyaata waa inaan ka faa’iidaysano biyaha roobka aynu ka helno ee badaha ku qulqula.

Waxa muhiima in aan ogaano doorka  uu wax soosaarku ka leeyahay ama kaalintii ka ciyaaro dhaqaalaha dal yeelan karo dhab ahaantii dhaqaalaha macnihiisa ayaa ah waxsoosaarka laftiisa, maamul fiican iyo maaraynta waxa la soo saaray run ahaantii waxsoosaarku wuu kobciyaa, waanu keydiyaa dhaqaalaha waddan yeelan karo hadday noqoto dhoofin (Export) iyo quutul qaalib (Food Subsistence) waayo lacagtii waddanka kama baxayso (Money circulation and non-cash outflow).

Tusaale waddanka China iyo Maraykan ba waxay ku tiirsan yhiin waxsoosaar iyo sancaynta alaabaha kala duwan ee ay sameeyaan shirkadaha iyo beeralaydu waana sababta ay tartanka ugu jiraan ku aadan dhanka waddamada Afrikaanka ah caqliga daboolan waxaan odhan lahaa waar aan isla yaabno oo aan fadhiga ka kacno oo nin kastaa beertii awoowgii ha xaadh xaadho.

Ugu danbayntii, aan yara tilmaamo saamaynta abaartii inagu habsatay sanadkan waxay keentay waxay ahayd mid dhammaan hallakaysay dad iyo duunya ba maxa yeelay waxay idlaysay xoolihii noola ee dhaqaalaheenu ku tiirsana, sidoo kale sidoo kale kutee waaba la xayiray waana sababaha sicir bararka keenay taasoo cunida jaadku una waheliso.

Gabagabadii, waxaan dadkeena usoo jeedin lahaa inay wax beertan oo ay dhulkeena aaminan kuna ridaan midho siidha waxay dhali doonta kumanaan kale kuna cimriqaatan wixi ku dhacay.

Aan ku afmeerno hal tusaale waxaad akhridaan suuratu (yuusuu) waxaad ku arki doontaan qisadi uu fasiray Nabi Yuusuf (cs) ee riyada ahayd kuna tacaluqday barwaaqada iyo abaarta iyadoo aan odhan karno waa qorshe ku dhisnaa min toddoba sanadood midkiiba ( 7 years plan).

Dhulkii :- waxay abaartu I baday iyo beerid la’aantayda wuxuuna yidhi ceelna iima qodna cidna iima maqna !!!

 

Economist: Abdirahman Hussein Ahmed (Kuwaydi)

Email: cawsha22@gmail.com

Email: sugule2@hotmail.com

Tel: 0634467917

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply