SOMCABLE

Dhibaatada Caafimaad Ee Ay Leedahay Cuntada Degdega Loo Cunaa !

In Cuntada degdeg loo cunaa waxay leedahay haliso dhawr ah kuwaasi oo saamayn caafimaad xambaarsan waana arrin bulshadeena guud ahaan aad ugu badan in cuntada degdeg loo cunaa, sidaasi awgeed waa kuwan qaar ka mid ah dhibaatooyinkaasi :-

  1. Macaanka: Cuntada degdeg loo cuno laguma dhargo sidaasi awgeed waxa uu qofku cunayaa cuntada badan waxa aanu cunayaa marar dhawr ah, taasina waxay sababaysaa in Glucose- ka dhiiga ku jiraa si degdeg ah isku bedbedasho isla markaana ay sababta Cudurka Macaanka.
  2. Casiraada Caloosha: Cunista degdeg ah ee cuntadu waxay sababtaa in caloosha casirto qofka sababtuna waxay tahay in hab-dhiska dheefshiidku aanu u shaqaynin sidii loogu talay galay.
  3. Dibiro: Cuntada dedega loo cunaa waxay sababta dibiro xad dhaaf ah oo sababta in uu qofka naqasku ku dhago arrintaasina waxay halis ku tahay carruurta yaryar.
  4. Buurni Xad dhaaf ah: Cuntada degdega loo cunaa waxay sababtaa in qofku si xad dhaaf ah miisaankiisu u bato sababtuna waxay dhakhaatiirtu ku sheegeen in Maskaxdu dirto ishaarooyinka dharaga, sidaasi awgeed uu qofku u dareemayo inuu dhargay, taasina waxay u baahan tahay muddo 20 daqiiqo inuu qofku cuntada cuno haddiise ay muddadaasi ka yaraato inta uu qofku wax cunayo waxay sababaysaa in uu qofku badsado cuntada sidaasina miisaankiisu xad dhaaf ku noqdo.

Dhibaatooyinkaasi waa dhibaatooyin jira waxaanay ka dhashaan cuntada degdega loo cuno.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply