SOMCABLE

Dawladda Soomaaliya Oo Ergayga Qaramada Midoobay Ugu Baaqday Inuu Dalka Ka Baxo

Muqdisho (Himilo) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u muuqata in ay deg deg uga jawaabeyso qoraal ka soo baxay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Ncholas Haysom dalka looga baahneyn

Qoraalka oo ka soo baxay Wasaarradda arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa lagu yidhii “in dowladda Soomaaliya ku wargalineyso xoghayaha guud ee QM in aan waddanka laga rabin, kana shaqeyn karin wakiilka Qaramada Nicholas Haysom.’

Qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa daba joogay warqad wakiilka xoghayaha guud ee QM uu uga codsaday dowladda in ay jawaab deg deg ah ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo gaar ahaan xadhiggii Wadaadka Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur.

Halkan Hoose ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Dawladda Soomaaliya

 

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply