SOMCABLE

Dawladda Soomaaliya Oo Diiday Codsi Uga Yimmi Midowga Afrika Oo La Xidhiidha Muranka Badda Ee U Dhexeeya Kenya

Muqdisho, 25 August,  2019 (Himilo)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku gacan seydhay dallab uga yimid guddi ka socotay Midowga Afrika oo ka codsatay in ay dhegaystaan muranka la xidhiidha badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay dacwada arrintan ku saabsan inay hor taallo maxkamadda Caddaaladda ee ICJ, islamarkaana aanay jirin sabab ay ku soo dhex galaan guddiga ka socday midowga Afrika.

Maxkamadda ayaa lagu wadaa inay 9ka ilaa 13 bisha September u fadhiisato dhegaysiga wareegii labaad ee dacwada ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Wasaaradda ayaa waxa kale oo ay sheegtay in xalka ugu danbeeya ee lagu kala baxayo tahay Maxkamadda, islamarkaana aanay wax gorgortan ah ka geli doonin.

Kenya ayaa iyaduna u muuqata in ay caddaadis dhinacyo badan ah ku saareyso Soomaaliya in ay ka laabato dacwada badda taa beddelkeedana wax walba lagu dhammeeyo hab wada-hadal ah.

Laakiin, dawladda Soomaaliya ayaa taa beddelkeeda si is daba joog uga adkeysaneysa in ay ku kalsoon tahay.

Ugu dambeyntii, waxa la eegi doonaa go’aanka ay kiiskan ka gaadho maxkamadda ICJ ee qaadeysa dacwada u dhexeysa labada dal ee kala ah Soomaaliya iyo Kenya.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply