SOMCABLE

Dawladda Somaliland Oo Ku Dhawaaday Inay Gurmad U Baahan Yihiin Dad Ka Badan Milyan & 5 Boqol Qof

Hargeysa, 3 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Dawladda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay gurmad deg-deg ah u baahan yihiin Dad ka badan Milyan iyo Shan Boqol oo kun Qof, kuwaasi oo ku kala nool Gobollada Dalka oo dhan.

Sidaana waxa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Hay’adda U diyaar-garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Somaliland Faysal Cali Sheekh oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Faysal Cali Sheekh wuxuu sheegay in Dadka Gurmadka deg-degga ah u baahan iskugu jiraan Dad aan sannadkii hore helin Roobkii ay u baahnaayeen isla-markaana wax soo-saarkii ay u baahnaayeen u bixi waayay, halka qaarkoodna yihiin Dad ay saamaysay Duufaantii Sannadkii hore ku dhufatay Xeebaha Dalka.

Faysal Cali Sheekh oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Guud ahaan Somaliland, sannadkan waxa Mucaawimo u baahan Hal Milyan, Shan Boqol, 80 kun, 250 Qof oo ku nool Gobollada Sool, Sanaag, Togdheer, Saaxil, Maroodi-jeex, Awdal iyo Selel, markaa waxaanu ka codsanaynaa Dawladda Somaliland, Hay’adaha Caalamiga ah, Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Shacabka Somaliland inay Dadkaa wixii ay la qaban karaan la qabtaan, Baaqan waanu u qaybinay Hay’adaha Caalamiga ah, waxaana lagu jiraa diyaar-garow.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Meelaha qaar biyo la’aan baa ka jirta, meelaha qaar Caws la’aan baa ka jirta, isku guur-guur badan oo xagga degaanka ah ayaa jira xagga bariga ha u badnaadee, Dhulal badan oo Colaado saameeyeen ayaa jira oo Koonfurta Sool ka mid tahay, Tuke-raq ay ka mid tahay, Ceel Af-weyn oo mar hore dihibaato ka dhacday ayaa ka mid ah iyo Dhulka Xeebta oo khasaare weyni ka soo gaadhay Duufaantii ka dhacday Bishii May ee sannadkii ina dhaafay. Dhulka Nugaal la yidhaahdo, sida Taleex, Xuddun, Ceel Af-weyn, dhulkaas oo dhami wuxuu gelayaa Xaalad khatar ah ayuu galayaa bishan horraanteeda, Dhulka hawdka ah oo ka bilaabma Faro-weyne, illaa Saax-dheer oo Gobolka Sool ah waxay galaysaa Xaalad deg-deg ah, bariga Golis wuxuu galay khaalad deg-deg ah. Dhulka Xoolo-dhaqato Beeralayda ah ee Gobolka Togdheer, Oodweyne iyo Sheekh waxay galayaan Xaalad culus, Dhulka Xoolo-dhaqato Beeralayda ah ee Gobollada Maroodi-jeex iyo Awdal-na waxay galayaan xaalad culus, dhinaca gubanka ee xeebta ahina wuxuu galayaa xaalad deg-deg ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey  “Sababaha ay waxaasi u dhacayaana waxa weeyaan Roobkii Gu’ga oo wanaagsan waalla helay, laakiin Xilligan dayrta ah lama wada helin Roobabkii la rabay oo wuu ka yaraa intii Caadiga ahaan jirtay. Roobka yaraaday iyo Cayayaan saamayn ku yeeshay Wax soo saarkii Beeraha ee sannadkanna way jirtaa..”

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply