SOMCABLE

Dawladda QADAR Oo Dhallinyarada Somaliland U Qoranaysa Askar Dalkeeda Difaacda Iyo Xukuumadda Oo Warba Ka Haynin

Hargeysa, 13 Feeberweri, 2018, (Himilo)-Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa muujiyey in aanay ka war hayn qorshe dawladda Qadar dalka gudihiisa kaga qoranayso dhallinyaro reer Somaliland ah, si ay uga dhigato Askar dalkeeda difaacda, arrintaasi oo billihii u danbeeyay bulshadu si weyn isku weydiinaysay, ayaa haatan la xaqiiqsaday markii uu wiil dhallinyar ah oo ka mid ahaa dhallinyaro loo dhoofiyey dalka Qadar oo ku hungoobay ka dib markii baadhitaan caafimaad oo lagu sameeyay awgii dib dalka loogu soo celiyey, sidaana uu ka sheegay mar uu la hadlay HCTV, balse aanay xukuumaddu waxba kala socon arrintaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibada Sacad Cali Shire iyo Wasiiradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Hinda Jaamac Xirsi oo weriyayaal ka tirsan warbaahintu ay shalay iyo dorraad wax ka weydiiyeen waxay kala socdaan in dawladda Qadar dhallinyaro reer Somaliland ah ay dalka gudihiisa ka qoranayso si ay uga dhigato Askar.

Haddaba, Wasiirka Arrimaha Dibada Sacad Cali Shire oo dorraad la weydiiyey sida uu arko arrintan iyo doorka uu ku leeyahay ayaa waxa uu ku jawaabay, “Warkaasi runtii wuu isoo gaadhay, malaha Somaliland oo kaliya maaha ee oo Soomaaliya na waa sidaasi oo kale, oo dad bay askar ahaan u qoranayaan baa la yidhi oo arrinkaasi runtii waan maqlay oo ma hubo inuu yahay wax rasmi ah oo dawlad ahaan, arrinkaasi waxaan filayaa Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa iiga sii xogogaalsan, laakiin waa war jira ayaan maqlay”.

Dhinaca kalena, Wasiiradda Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi ayaa iyaduna ka warrantay siday u aragto in dhallinyaro reer Somaliland ah ay u dhoofaan oo ay dalka Qadar Askarnimo u qortaan, waxaanay tidhi, “Marka koowaad wuxu haddii ay yihiin wax dibad la xidhiidha waxaan qabaa cidda ka hadalkeeda leh waa Wasaaradda arrimaha dibada oo awood u leh, haddii wuxu dalka soo galayaana waxa awood u leh Wasaaradda arrimaha gudaha, marka qofka dalka gudihiisa shaqo la’aani kaga dhacdona waxa xaq u leh inay ka hadasho Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelinta, haddii ay tayda ka raaco dadkani dalka ayey dibada uga baxayaan oo waxay ku baxayaan fiise, fiisuhuna dibad ayuu inooga yimaaddaa, cidda xaqa u leh fiisahaasi muxuu ku sallaysanyahay, yaa soo diray, sababtee ayaa loo dalbaday, dadku miyey shaqo waayeen, miyey shaqo haystaan, cidiba may weydiin ayaan qabaa”. Waxaanay intaasi ku dartay “Runtii, aniga oo aan dhalleecaynayn waxaan qabaa waa door ay lahayd Wasaaradda arrimaha dibaddu oo ma jirto Wasaarad ahaan door aanu ku leenahay oo fiisayaal ma bixino, ismana aragno”.

Intaasi kadibna, Wasiir Hinda oo la weydiiyey sida ay u aragto in dhallinyaradaasi u dhoofaan dalka Qadar oo Askar u noqdaan, “Walaahi, waxaan u arkaa arrin aan munaasib aheyn, waayo maahmaah ayaa tidhaahda nin geel ka tegay oo geel kale u tegay wuxuu korodhsaday hashaa magaceed, inanka dhallinyarada ah ee doonaya inuu Qadar ciidan u noqdo iyadoo dalkiisii ciidan u baahan yahay, waxaan u arkaa inuu lunsan yahay oo waxa igala qalad badan waalidiinta ambabixinaysa ee ku taakuleynaysa”.

Wasiirka Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska waxay farriin dardaaran ah u dirtay bulshada, iyo Madaxweynaha, “Dhallinyaradu haka fiirsato oo yaanay ku deg-degin safarkaasi, waxaanan u arkaa qalad, Madaxweynahana waxaan ku boorinayaa oo uu hore uga dhawaajiyey oo aan soo dhaweynayaa in dhammaan ardayda dhameysatay Dugsiga sare iyo Jaamicadaha in loo furo tababbar ciidan, dabadeedna la siiyo derajada oo ay noqdaan saraakiil iyo ku xigeeno ciidanka Qaranka ka mid ah oo kolleyba sidaasi ayaan qabaa haddii ay noqonayaan Askar..”

Ugu dambayntii, Qorshahan dawladda Qadar ku doonayso inay dhallinyarada reer Somaliland ee ku sugan gudaha dalka ay u qoroto Askar dalkeeda difaacda ayaa billihii u dambeeyay si aad looga hadal-hayey Magaalooyinka Somaliland, balse wuxuu warkaasi soo shaac-baxay markii uu Warbaahinta, gaar ahaan Telefiishanka HCTV la hadlay Wiil dhalinyaro ah oo ka soo laabtay Dalka Qadar, kaasi oo markii hore halkaa u tagay inuu Askari noqdo, laakiin baadhitaan Caafimaad oo lagu sameeyay dartii loo soo celiyey

Leave a Reply