SOMCABLE

Dawladda Maraykanka Oo Shaacisay Magaca Iyo Sawirka Askari Kooxda Al-shabaab Jimcihii Kaga Dishay Soomaaliya

USA (Himilo) – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay Sawirka iyo Magaca Askarigii Mareykanka ahaa ee lagu dilay Jimcihii la soo dhaafay duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Sanguuni ee gobolka Jubadda Hoose ee Dalka Soomaaliya.

Askariga ayaa magaciisa lagu sheegayy Alexander W. Conrad oo 26 jir ah, waxaa uu ku dhashay Arizona, waxaana uu ka tirsanaa cutubka 1-aad, gaar ahaan kooxda 3-aad ee ciidanka sida gaarka u tababbaran.

Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii weerar duqeyn oo Kooxda Al-Shabaab ku qaadday deegaanka Baar Sanguuni lagu dilay askariga Mareykanka, halka lagu dhaawacay Afar kale oo Askarta Maraykanka ka mid ah,  sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa khasaare ka soo gaadhay weerarka Al-shabaab.

Mareykanka ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya boqollaal Askari oo ka qeyb qaata howl-galada gaarka iyo taageeridda Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ee dagaalka kula jira Dagaalyahannada Al-Shabaab.

Guud ahaa marka la eego waa Askarigii Labaad ee Mareykan ah oo lagu dilo Soomaaliya, iyadoo bishii May ee sanadkii hore deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose lagu dilay Askari Mareykan ah.

Alexander W. Conrad

Sanadkii 1993-kii ayay aheyd markii 18 Askari oo Mareykan ah lagu dilay Magaalada Muqdisho, lagana soo riday diyaarad Helicopter ah, kaddib dagaal ay la galeen maleeshiyaad Soomaali ah oo uu hoggaaminayey Maxamed Faarax Caydiid, waxaana dagaalkaas laga sameeyay filimkii caan baxay ee Black Hawk Down.

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply