SOMCABLE

Dawladda Itoobiya Oo Sharci Ka Soo Saartay Sigaarka & Xayeysiinta Maandooriyaha Khamriga

Addis Ababa, 7 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Aqalka wakiillada dalka Itoobiya ayaa ansixiyay hindise-sharciyeed lagu mamnuucayo in sigaarka lagu cabbo goobaha ay dadku isugu yimaaddaan iyo in khamriga laga xayeysiiyo Warbaahinta dalkaasi.

Hindise-sharciyeedkan cusub ayaa mamnuucaya in meel u jirta 100 Mitir xarumaha caafimaadka, goobaha dadka ay isugu yimaaddaan iyo goobaha shaqada aan lagu cabbi karin Sigaarka.

Sidoo kale, sharciga ayaa qeexaya in ganacsatada khamriga ayna ka iibin karin dadka da’doodu ka hooseeysa 21 jir.

Sidoo kale, Sharciga ayaan dhigaya in Maandooriyaha loo yaqaanno Khamriga aan Telefiishannnada Dalkaasi laga xayeysiin karin wixii ka horreeya 10-ka fiidnimo ee habeennimo, taasi oo ujeeddadeeda lagu sheegay in loo baahan yahay in aanay Xayeysiisyadan arag dhallinyarada ku jirta Dugsiyada Waxbarashada, sidaa darteedna la xayeysiin karo wixii wakhtigaa ka dambeeya.

Kalfadhiga 24-aad ee Golaha baarlamaanka ayaa la filayaa inay ku ansixiyaan hindise sharciyeedkan ay ka doodeen xildhibaannada iyo in kale.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply