SOMCABLE

Dawlada Hoose Oo Farriimo Digniin Iyo Codsi Ah U Kala Dirtay Qoysaska Iyo Ganacsatada Hargeysa

Hargeysa, 21 Apr, 2019 (himilo)-Madaxda sare ee Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa farriimo kala duwan oo codsi iyo digniin isugu jira u kala diray dadweynaha iyo ganacsatada magaalada Hargeysa, xilli roobaadka iyo u diyaar garowga xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May awgeed oo food inagu soo haysa.

Xoghayaha fulinta ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Mudane Axmed-Juxa, ayaa ugu horreyn ka hadlay bilowga xilli roobaadka iyo halista caafimaad darro ee ka dhalan karta xashiishka oo la raaciyo daadka waxaanu yidhi, “Xilli roobaad ayeynu galnay, dadweynuhuna waxay caadeysteen barnaamij Qaranka iyo Magaalada ba ku fool xun oo Dawlad hoose ahaana aad noo dhibaya oo ah in dadkii qoysaska ka masuulka ahaa ay carruurtii ku haleeyeen hawlihii nadaafada, waayo shalay markii uu roobku da’ay waxa daadkii la soo raaciyey xashiishkii xaafadaha aynu ku haysanay oo dhan, taasina waa fool xumo Qaran oo meelna kagama jirto dhaqanka Islaamka”. Xoghayuhu tallaabadaasi ayuu si adag dadweynaha uga digay, “Walaalayaal, Xashiishka aad daadka soo raacisaan ka digtoonaada, waayo waxa uu hor fadhiisanayaa guri kale oo gurigaaga oo kale ah iyo masaajiida, waddooyinka iyo meelaha kale ee muhiimka ah”.

Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose Hargeysa waxa kale oo uu farriin codsi ah u diray masuuliyiinta qoysaska hargeysa, “Masuuliyiinta qoysaska waxaanu ka codsanaynaa inay carruurtooda iyo haweenka ba uga digaan inay xashiishka daadka soo raaciyaan”. Ayuu yidhi Axmed-Juxa

Dhinaca kalena, Maayir ku xigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Caga-weyne ayaa isaguna dadweynaha kala duwan ee Caasimada u kala diray farriimo codsi iyo digniin isugu jira, “Waxaan ka codsanayaa meheradaha habeenkii la dhigo Madaxtooyada ilaa suuqa dhexe inay si sharaf leh uga codsanayaa dadka ku ganacsada inay dib uga baxaan”.

Sidoo kale, Maayir ku xigeenku waxa uu farriin u diray cidda leh boodhadhka ku yaala harreeraha waddada halbowlaha ah, “Shirkadaha iyo Cidda kale ee leh boodhadhka ku yaala waddada badhtamaha Hargeysa waxaanu ka codsanaynaa inay ka furtaan, sababtoo ah waxaanu ku beeraynaa dhir qurxoon iyadoo aynu u diyaargaroobayno xuska 18-ka May”.

Ugu dambeyntii, Maayir ku xigeenka Caasimadu waxa uu bulshada ugu bushaareeyey in berrito Hargeysa ka bilaabmayso hawl dhireyn ah oo kor loogu qaadayo billicda Magaalada,  “Waxa noo timi dhirtii markaa berrito waxa laba kaclaynaysa dhireyntii Caasimada si kor loogu sii qaado, waxaana lagu bilaabi doonaa suuqa dhexe, markaa dadweynaha ku ganacsada ee ku soo durka harreeraha waddooyinka waxaan ka codsanayaa inay ka durkaan oo ay dib uga baxaan”. Ayuu yidhi Maayir ku xigeenka Caasimada

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply