SOMCABLE

Dawlad Bilaabaysa Ka Ganacsiga Dameeraha Oo Dalka Shiinaha Looga Isticmaalo Cunto Iyo Dawo Ahaan

Pakistan, 3 Feebarweri, 2019 (Himilo) – Pakistan ayaa laga helaa tirada saddexaad ee dameeraha ugu badan caalamka, iyada oo ay ku nool yihiin in ka badan shan Milyan oo Dameero ah markii laga tago dalalka Shiinaha iyo Itoobiya.

Waxaa dameeraha looga adeegsadaa qeyba badan oo ka mid ah Pakistan Xayawaan lagu shaqaysto.

Waxaa caadi ka ah Pakistan inaa ku aragto gaadhi dameerada oo garab soconaya gawaadhida kale ee caadiga ah gudaha magaalada Lahore ee dalkaasi.

Haatan saraakiisha Waddankaasi ayaa doonaya inay lacago ku helaan kheyraadkoodaas Dameeraha ah.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Pakistan Shirkado laga leeyahay Shiinaha ayaa doonaya inay ku maalgashadaan lacago Malaayiin ah dhismaha shirkado ka ganacsada dameeradaha.

Saddexda sano ee ugu horeyso, dowladda Pakistan ayaa qorsheyneysa inay dhoofiso 80 kun oo dameero ah.

Dalka Shiinaha ayaa hilibka dameeraha aad looga isticmaalaa iyada oo maqaarka ama Harraga Dameeruhu ka mid yahay cuntooyinka nafaqada leh iyo dawooyinka dhaqanka.

Halkii dameer ayaa la filayaa in lagu iibiyo  qiimo gaadhaya in ka badan afar boqol oo lacagta bounka ah.

Pakistaan ayaa waajahaysa culays dhanka Mushahar bixinta dowladda ah, waxayna baahi weyn u qabtaan isdhaafsiga lacagaha qalaad si ay sare ugu soo qaado dhaqaalaheeda.

Waxa ay ku rejo weyn tahay in dhoofinta dameeraha uu qeyb ka qaadan karo in baahidaasi la daboolo sanadaha soo socda.

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply