SOMCABLE

Dalka Ruushka Oo La Cadeeyey Inay Hoos U Dhacday Tirada Dadkiisu Horraanta Sanadkan 2019 !

Tirkoob ay samaysay Hay’adda tirakoobka dalkaasi Ruushku ayaa waxay ku cadaysay in Maalintii ay Taariikhdu aheyd 01/01 /2019 ay tirada dadkiisu noqotay 146 Milyan oo qof, Tiradani ayaa ka yar tiradii ay Dadka Dalkaasi Ahaayeen Maalintii ay Taariikhdu ahayd 01/01/2018 waxaanay Tirada dalkaasi sanadkani 2019 ka yar tahay 86 kun oo qof.

Masuul ka tirsan Hay’adda Tirakoobka dalkaasi Russia ayaa waxa uu sheegay in tobankii sano ee u dambeeyay ay tirada dadka dalkaasi ku nool hoos u dhacaysay waxaanu arrintaasi ku tilmaamay mid ugub ah.

Markii ugu horreysay abid ee la tira koobo dadka ku nool Dalkaasi Russia ayaa waxay ahayd sanadkii 1897kii waxaanay xilligaasi dadkii ku noolaa dalkaasi tiradoodu noqotay 67.5 Milyan oo qof.

Sanadkii 2015 kii ayaa waxa lagu tilmaamaa inuu ahaa sanadkii ay dhalashada Carruurta yaryari ugu badneyd.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply