SOMCABLE

Dahabshiil Oo Mucaawimo Iyo Adeegyada Casriga Ah Ee Shirkadda Ugu Deeqday 3,000 Qoys Oo Ku Waxyeeloobay Fattahaada Webiga Shabeelle

Hargeysa, 6 Meey, 2018 (Himilo) – Shirkadda Dahabshiil ayaa sheegtay inay ku darsatay gurmadka fattahaada Webiga shabeelle ee saamaysay Magaalada Beledweyne ee Dalka Soomaaliya Mucaawimo kala duwan oo ay ugu talo gashay illaa iyo 3,000 oo qoys, Maamulaha shirkaddaasi Dahabshiil Cabdirashiid Siciid Ducaale ayaa isaga oo jooga Imaaraadka uga warramay Mawliid Xaaji Cabdi oo ka socday  BBC-da waxaana uu ka yidhi Mudane Cabdirashiid dhacdadan.

Jawaab:  Sidaad u sheegtay dhibaatooyin culus bay keeneen fattahaadahaa dhacday, dad badan oo masaakiina ayaa wixii ay maal iyo xoolo lahaayeen ay khasaaro soo gaadheen, markaa annaga oo ka qayb qaadanayna dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba haddii aanu Dahabshiil nahay in aanu deeq gaadhsiino dadka dhibaataysan ee magaalada Baladweyne iyo agagaarka magaaladaba u kala qaxay ama kala degay.

Su’aal: Deeqdan aad ugu talogasheen inaad bixisaan Cabdirashiid maxay tahay, bal haddii aad nala wadaagto waxa ay leeg tahay waxa aad haysaan , Maxay tahay?

Jawaab: Mawlidow dadka illaa 3000 oo qoys  dad gaadhaya ayaanu waxaanu ugu dhawaaqnay in aanu ka qayb qaadano oo aanu u qaybnino Raashin sida ; Bariis, Sonkor, Daqiiq, iyo Saliid. Dadkaasi oo kala deggan Magaalada Baladweyne ama tuulooyinka Wabiga ku Xeeran ee galbeedka iyo Bariga Buurta Shandushe, Ceeljaale, dhamaan dadkaasi oo dadkii dhibaatooyinka soo gaadhsiiyeen biyahaas ama daadka ku fatahay. Waxaa kale oo aanu ku dhawaaqnaa oo aanu dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba  gudo iyo dibedba inay dadkaa soo caawiyaan anaga oo u furnay Akawno lacagta ay ugu shubi karayaan, xaga xawaaladda oo kale akown ayaanu u furnay oo qofkii dibeda ama gudaha joogaba  anaga oo aan wax khidmad ah ka qaadanayn wixii uu awoodi karo uu ugu shubi karo. Akowndadaa waxaa kamid ah numberka :151515 iyo midka ah Edahab ama mobile paymentka ee Somtel, Edahab iyo Dahabshiil ay leeyihiin oo isna numberkiisu noqonaayo;0620151515. Waxaanu ugu talo galnay qof wal oo dadkan dhibaataysan caawin kara dalka gudihiisa iyo dibediisaba. Dadka maamulayaa waa shaqaalaha Dahabshiil iyo wakiiladii Dahabshiil iyo dadka odayaasha waxgaradka ah ee Gobolka degan si ay u hubiyaan in dadkii masaakiinta ahaa ee dhibaatadaasi soo gaadhay in deeqdan raashinka ah iyo ta lacageedba ay gaadho sida ugu dhakhsaha badan.

Suaal: kolay yaraysi malaha oo gargaar waa gargaar , waxaa jirta dhaliil la idiin jeedinaayo shirkadihiina ganacsiga ama ha ahaato Isgaadhsiin ama Xawaalad ama ganacsi kale oo aad ku jirtaane, macaashka aad heshaan ama faa’iidada aad ka heshaan dadka soomaaliyeed iyo waxa aad bixisaan waxaa la yidhaahdaa isma leeka, dhaliishaas oo kale sided u aragtaa?

Jawaab: Mawlidow garan maayo dhaliishaasi meeshay ka imanayso  anagu haddii aanu nahay Dahabshiil  shirkadaha oo dhan uma hadlo, anagu haddii aanu Dahabshiil nahay intii aanu shaqaynaynay mar abaaro dhaceen, mar daadad fataheen, mar cusbitaalo la samaynayo iyo haddii dhulka waddooyin la dhisayo mar walba shirkadda Dahabshiil bilow iyo dhamaad ba hormood ayay ka tahay waana ta ugu horeysa ee samafalka ka qayb-qaadata markaa ciddii samafalka wax ka taraysa waanu ku dhiiri galinaynaa yar iyo weynba, ganacstada kalena waan ku dhiiri-galinaynaa cid walba in cidii tabaalaysan wax ka qabtaan.

Leave a Reply