SOMCABLE

Dagaalka Ku Soo Fool Leh Bariga Dhexe Iyo Dabinnada Reer Galbeedka

Qorshihii Furfurka Islaamka Ee Bernard Lewis :- Q.16aad

Calaamadaha Aakhiru Sammaanka !

 

 

  1. Dulmiga Oo Bata Iyo Ribbada Oo Ummadda Ku Dhex Faafta:

 

Waxa kale oo ka mid ah korodhka Dulmiga iyo sidoo kale ribbada oo ku dhex faafta waana arrin jirta oo aan marag u baahnayn waxaanay labadani arrimood ka mid yihiin arrimaha uu Nebigu NNKHH inooga digay waynu aragnaa guud ahaan Adduunka Xaddiga ribbada ee ay Dadku ku dhaqmaan.

  1. Dadka Oo U Hoggaansama Dadka sita Madaahib Baadil Ah Iyo Afkaar Wax Baabinaya Oo Aan Sal Iyo Raad Toona Lahayn :

Waxa uu Nebigu NNKHA inoo sheegay inuu iman doono xilli ama sanado la rumaysan doono beenaalaha lana beenin doono qofka runta sheega, sidoo kalena la aamini doono qofka khaayinka ah lana dhici doono qofka amiinka ah waxaana dadka ka dhex hadli doona qof aan qiimo lahayn oo aan hadalkiisu wax  ka soo qaad lahayn, waa arrin xaqiiqa ah oo maanta taagan waxaynu aragnaa in la isku tilmaamo qofka daacada ah ee miskiinka ah, waxaanu Nebigu NNKHA arrintaasi kaga warramay Xadiis saxiix ah oo ay soo wariyeen Ibnu Maajah iyo Imaam Axmed.

Marka aynu eegno digniintaa uu Nebigu NNKHH inooga sii warramay, waxaanaynu aragnaa in dhaqankii xummaaday oo is badalay oo dadku ay aad dhaqankii iyo diintii ba uga fogaadeen, waxaana aad inoogu dhex batay Dad sita afkaar aad u kala duwan kuwaasi oo aan xaqiiqada sal iyo raad ku lahayn oo ay dadku kala raacaan waana kuwa ay dadku rumaystaan halka qofkii wanaagsanaa ee fikirka iyo tusaalaha wanaagsan siday aan ciddina waxba ka dhegaysanayn waxanu qofkaa wanaagsani dadka dhexdooda ka yahay qof xun oo aan wanaagsanayn halka qofka waxa xun sitaa oo dadka u yahay qof wanaagsan.

Sidoo kale waxaynu aragnaa in khiyaamadii badatay waxaana lagama maarmaan noqotay inay dadku kuwaasi qaldan ay dhegaystaan isla markaana ku daydaan, laakiin dadka karaamada iyo sharafta leh ee in uun diin iyo dhaqankii wanaagsanaa waxa ka garanaya waxa lagama maarmaan noqotay waqtigan aynu ku noolnahay in ay noqdaan dad aan waxba garanayn arrintaasina waa arrin guud ahaan adduunka oo dhan ba laga siman yahay.

 

LA SOCO…

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland