SOMCABLE

Dadka Dalka Maraykanka Qaarkood Oo Looga Digay Cabbista Bunka, Sababo Caafimaad Awgeed !

Waxa jira dad badan oo caadaystay cabbista bunka waxaanay dadkaasi ku dedaalaan sidii
bunka u cabi lahaayeen subaxa hore markay hurdada ka kacaan, iyagoo aaminsan in
aanay indhaha ba kala qaadi karin haddii aanay cabbin bunka.
Gobollo ka tirsan dalka Maraykanka ayaa waxay uga digeen dadka ku nool inay iska
yareeyeen cabbista bunka kaasi oo ay sheegeen inuu sababo cudurka Canser-ka.
Sidaasi awgeed ayaa waxay Maxkamad ku taalla Gobolka California ee dalkaasi bilawday
dacwad ka dhan ah Bunka, taasi oo culeys saaraysa Mulkiilayaasha Maqaaxiyaha Bunka
oo haddii uu baadhitaanka socdaa ee ah in Bunku sababo Cudurka Canser-ka la gannaaxi
doono haddii ay dadka macaamiisha ah uga digi waayaan dhibaatada uu bunku ku
leeyahay caafimaadka.
Tallaabadan ayaa waxa dhan ka ah isla markaana bilaabay golaha la dagaalanka sunta ee
Gobolkaasi waxaanu go'aaankaasi haddii uu hirgalo sababi karaa in mulkiilayaasha
Maqaaxiyaha Bunka lagu soo rogo gannaax lacageed haddii ay joojin waayaan iibintiisa.

Leave a Reply