SOMCABLE

Dabeyl Laxaad Leh Oo Nin Ka Saartay Qolkii Uu Ku Jiray Kuna Tuurtay Dabaq Dushii !

Dabeyl laxaad leh ayaa ka dhacday Magaalada Claimson ee Gobolka Carolina ee  Koonfurta America , dabeyshan oo ahayd mid aad u layaab badan ayaa waxa ay sababtay in laba wiil oo saaxiib ah oo hudheel cunto ka cunayey ay sawireen nin ay dabeyshu qaadatay isla markaana ay dusha ka saartay dabaq kale.

Dabeyshaasi ayaa aheyd mid si xawli badan ku socotay waxa aanay baabiisay dhismayaal badan, balse arrinta aadka u layaabka badan ayaa noqotay dhacdada ninkaasi sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee CNN ee uu Wargeyska Himilo ka soo xigtay.

Ninka ay dabeyshaasi qaaday ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa Samuel Foster waxa aanu sheegay in kadib markii tiirkii uu haystay ay dabeyshu ka hoos saartay gacantiisa in ay qaadatay, haatan se uu nabad qabo.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply