SOMCABLE

Daba-gal Xisbiyada Mucaaradka Ahi Ku Hayeen Musuqmaasuqa Dawladaha Hoose Oo Mad-madow Galay, Doodda UCID & Dib U Dhaca Muuqda

Hargeysa, 30 Abriil, 2018 (Himilo) – Guddi Xisbiyada Mucaaradka ahi u saareen inay baadhitaan ku sameeyaan Musuqmaasuq lagu tuhunsan yahay inay ku kaceen Maayarrada Magaalooyinka Somaliland, ayaan illaa hadda Bulshada u soo bandhigin Filim Dhukumantari ah oo ay sheegeen inay ka diyaariyeen Musuqmaasuq ka jira Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Xubno ka mid ah Guddiga Xisbiyada UCID iyo WADDANI u saareen inay daba-gal ku sameeyaan Musuqmaasuqa Dawladda Hoose ee Dalka ka jira, ayaa bishii hore ballan-qaaday inay badhtamaha bishan Abriil soo bandhigayaan Musuqmaasuqa Dawladaha Hoose, balse Maxamuud Cali Madoobe (Jiir) oo Guddoomiye ku-xigeen ka ah Xisbiga UCID oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay inay Guddi ahaan dhamaystireen baadhista ay ka wadeen Dawladda hoose ee Hargeysa, hasa-ahaatee ay khalad tahay in Maayarka iyo ku-xigeenka Hargeysa laga dhigto Bar-tilmaameed, waxaanu yidhi “Arrinkii Dawladaha Hoose waxaanu ka bilownay Hargeysa wayna dhamaatay, haddii ay dhamaatayna waalla soo gudbin doonaa, meel wayna waa lagu soo gudbin doonaa, laakiin waxaanu u sheegaynaa Dadweynaha iyo Axsaabtaba inay Hargeysa oo keliya ku ekaato maaha (Baadhistu), Waayo? Haddii ay Hargeysa oo keliya ku ekaato maxaa laga rabaa bay noqonaysaa 25-ka inan ee Hargeysa jooga, haddii aan Lixda Gobol ee kale Dalka waxba laga qabanayn, Lixda Gobol waa in loo sinnaadaa oo Masuuliyaddaa Dadka iyo Xisbiyada ka saaran Hargeysa waa inay ka saarnaataa Gobollada kalena, ka Berbera ayaa ku xiga oo ay Masuuliyadi ka saaran tahay Axsaabta, waayo? Axsaabta Masuuliyadi kama saarna oo keliya Hargeysa.”

Jiir Cali Madoobe waxa uu Madaxda Xisbiyada ee Guddigan saaray u soo jeediyey in la helo dhaqaalihii ay Guddi ahaan ku geli lahaayeen baadhista Maayarrada Magaalooyinka kale ee Somaliland “Waa in Dhaqaalaheedii loo helaa oo sida ka Hargeysa loo iftiimiyey si la mid ah loo iftiimiyaa ka Berbera, ka dibna ka Boorama iyo ka Burco loo iftiimiyaa, haddiise wax laga qabto Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka Hargeysa oo keliya yool bay noqonaysaa…”ayuu yidhi

Hadalkan Jiir Cali Madoobe ayaa ku soo beegmaya markii labaad ee ay dib u dhacdo soo bandhigidda Dhukumantariga ay ka diyaariyeen Musuqmaasuqa lagu tuhmayo Dawladda hoose ee Hargeysa.

Leave a Reply