SOMCABLE

DAAWO: Wefti ka Socda Imaaraadka Carabta Oo Somaliland U Yimi Gurmadka Dadka Abaaruhu Saameeyeen

Hargeysa (Himilo)-Wefti Ka socda isu-taga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Hay’ada Khalifa Fundation ayaa maanta soo gaadhay  Somaliland, kaasoo uu hoggaaminayey Safiir Somaliland u fadhiya Imaaraadka Baashe Cawil, islamarkaana uu wehelinayey Guddoomiyaha Diiwaanka Sekada Jamhuriyada Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax.

Ujeedada socdaalka weftigan ayaa la sheegay inay tahay inay u kuurgalaan xaalada abaaraha iyagoo ka jawaabaya baaqii Madaxweynuhu u qoray dawladda Imaaraadka oo uu kaga dalbanayay in loo soo gurmado dadka iyo duunyada dhibaataysan ee abaartu saamaysay.

HALKAN KA DAAWO

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland