SOMCABLE

Daawo: Masuuliyiin Xukuumadda Ka Tirsan Oo Ka Hadlay Tallaabo Uu Madaxweynuhu Qaaday Oo Bulshadu Ka Dareen Celisay

Hargeysa, (Himilo)-Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu maalmihii aynu soo dhaafnay inuu xil labaad u magacaabay Wasiirka Maaliyada Sacad Cali Shire, xilkaasi oo ah ku simaha Wasiirka Qorshaynta oo arrimo caafimaad ugu maqan waddamada adduunka.

haddaba, tallaabadaasi ayaa markii ay soo if baxday bulshadu si weyn isku weydiisay isla markaana baraha bulshada lagu qaaday iyagoo tilmaamaya haddii uu joogo wasiir ku xigeenkii wasaaradaasi maxaa Wasiir wasaarad kale loogu soo magacaabay.

Ugu dambayntii, Wasiirka Maaliyada ee xilkan loo magacaabay iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorshaynta ayaa si wada jir ah uga hadlay sababta Madaxweynaha ku kaliftay tallaabadani iyo ahmiyadda ay leedahay, waana kuwan:-

HALKAN KA DAAWO


Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply