SOMCABLE

DAAWO: Haweenka Ururka HOODAALE Oo Ciidsiiyey 120 Carruur Agoon Iyo Danyar Ah

Hargeysa (Himilo) – Haweenka Ururka Hoodaale ee Dalka Holand, ayaa Dharka Ciidda ugu deeqay 120 Carruur Agoon iyo Danyar iskugu jira, kuwaasi oo wax ka barta Dugsi ku yaalla Deegaanka Abaarso ee Galbeedka Magaalada Hargeysa.

Dhar Deeq ah

Haweenka Ururka Hoodaale ee ku dhaqan Dalka Holand, ayaa Lacag Caddaan ah ku soo hagaajiyey Foosiya Maxamed Xasan, waxayna Foosiya Dhar ay Lacagtaa ku soo iibisay ku wareejisay Axmed Cumar Caddaani oo Wakiil ka ahaa Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo Ubadkaa yaryar ka war-hayn jiray, balse Xilligan Ciiddu ku soo hagaagtay isaga oo Dalka Safar kaga maqan.

Dharkaa ayaa waxa Axmed Cumar Caddaani ku wareejiyey Maamulka Dugsiga Carruurtaasi ka bartaan Qur’aanka.

Warkaasi oo Muuqaal ah Halkan Hoose Ka Daawo

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply