SOMCABLE

Daahir Rayaale Kaahin Oo Salluug Ka Muujiyey Heerka Xisbiyada Qaranka, Sheegayna In Uu Hoos U Dhac Ku Yimid Ujeedooyinkii Loo Aasaasay Ee La Doonayey In Lagaga Baxo

Borama, 01 Oct, 2019 (Himilo)-Madaxweynihii saddexaad ee JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo haatan ku sugan dalka gudihiisa ayaa ka deyriyey heerka Xisbiyada Qaranka ee Siyaasada, isla markaana sheegay inay hoos u dhacday ujeedooyinkii siyaasadeed ee loo aasaasay Xisbiyada ee la doonayey in lagaga baxo.

Madaxweynihii saddexaad ee JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa arrimahaasi iyo kuwo kale ba waxa uu kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu dhawaan magaalada Borama ku siiyey SAHAN TV.

Haddaba, Madaxweynihii hore waxa uu ka hadlay dareenkiisa ku saabsan muranka soo noqnoqda ee ku aadan Saami qaybsiga iyo sidii uu wajihi jiray iyo haatan xalka lagaga gudbi karo, waxaanu yidhi, “Tabasho maalin ba meel ayey mareysaa, laakiin waxa la tabbanayo waxay u baahan tahay in laga wada hadlo oo la wada fadhiisto miiska oo xalka loo gudbo oo wixii maanta la qabanayo la qabto wixii aan maanta la qabaneyna berri loo ballamo, taasi ayey u baahan tahay”. Daahir Rayaale waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Annagu markaa Xisbinimo ayaanu wax u wadnay, balse laynkii Xisbiyada ayaa laga baxay oo taasi ayaa waxyaalo badan keentay, markaa Xisbinimada halagu noqdo ayaan leeyahay”.

Sidoo kale, Madaxweynihii saddexaad ee JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu tilmaamay Qabyaalada, “Qabyaaladu waa wax inagu tallaalan oo ALLE inagu tallaalay, laakiin Xisbiyada waxaynu u sameysanay in aynu Qabyaalada kaga baxno”.

Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu iftiimiyey ujeedooyinkii Xisbiyada loo sameeyey iyo faa’iidada ay dadka iyo dalka u lahaayeen, “Xisbiyada Siyaasada waxaynu u sameysanay in aynu Qabyaalada kaga baxno, laakiin mid ayaan odhan lahaa oo ah in Xisbiyadu mabaadiida ay wax ku raadinayaan ha noqoto mabaadii Xisbi ee yaanay noqon mabaadii Qabiil, taasi ayaana mustaqbalka fog lagaga bixi karaa qabyaalada, laakiin shaadh qabyaaladeed haddii loo geliyo Xisbiyada sheekadu waxay dib ugu noqonaysaa Qabyaaladii”.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynihii saddexaad ee JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu farriin dardaaran ah u direy Xisbiyada Siyaasada ee Somaliland, “Waxaan odhan lahaa Xisbiyadu Xisbinimo ummadda haku hoggaamiyaan ee yaanay ku hoggaamin Qabiil”. Ayuu yidhi Madaxweynihii saddexaad ee JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ahaana Guddoomiyihii Xisbigii ugu horreeyey ee Somaliland laga aasaaso ee la odhan jiray UDUB oo baabay haatana aan ka mid aheyn Xisbiyada dalka ka jira.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Leave a Reply