SOMCABLE

Culimada Dalka Oo Maayar SOLTELKO Ku Canaantay Dayaca Waddooyinka Hargeysa

Hargeysa, 2 Maarij, 2019 (Himilo) – Qaar ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa Maamulka Dawladda Hoose ee Hargeysa u soo jeediyey inay wax ka qabtaan Jidadka Magaalada oo intooda badan burbursan isla-markaana uu meelaha qaarkood yaallo Qashin wax u dhimaya Bilicda Caasimadda iyo Nadaafaddaba.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Sheekh Maxamed Cali-gadhle iyo Sheekh Cabdiraxmaan oo hadallo ka soo jeediyey Munaasibad lagu furayey Masaajid Hargeysa laga dhisay, ayaa Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo Madasha joogay u soo jeediyey inuu wax ka qabto burburka Jidadka iyo Qashinka Waddooyinka Caasimadda yaalla, iyagoo ballan-qaaday inay hirgelinta arrintaa kala shaqaynayaan.

Sheekh Maxamed Cali-gadhle oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi  “Markaad Masaajiiddeena iyo Guryaheena waaweyn soo gasho, runtii waxaad moodaysaa inaad Caalamka joogto, markaynu dibedda uga soo baxnana waxaad u baxaysaa Waddooyinkeeenii oo wada googo’an oo wada ciid ah oo Qashin ka buuxo. Masaajiidda iyo Daaraheena waynu dhisnay oo waynu Qurxinay, markaa Maanta waynu wada joognaa mar haddii Maayarkii Hargeysa joogo, Guddoomiyihii Gobolku joogo, oo culimadii joogto, Walaalayaal Ummad baa ku nool is odhan maysid, ummad Islaam ah iska daayoo (Magaaladeena Hargeysa), markaa way joogaan Maayarkii iyo Guddoomiyihii Gobolku waxaan soo jeedinayaa aynu is kaashano Culimadeena, Ganacsatadeena oo aynu waddooyinka iska hagaajino, Annaguna waanu idiinku horreynaynaa, markaa Waar aynu Waddooyinka iska hagaajino oo suuqyadeena aynu qurxino oo Qashinka ka qaadno, oo aynu Magaaladeena qurxino, sida aynu Masaajiidda iyo Guryahaba aynu u qurxinay..”

Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid culimada waaweyn ee Somaliland, oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi  “In Ummadda hoggaanka loo qabto ayaa la doonayaa, innaguna aynu ku daba-galno oo Dalka aynu Muraayad ka dhigno oo aynu Qurxino, waxba yaan la is-xamanin oo aan la odhanin Dawladda hoose waxba ma qabato. Maayar diyaar baanu kuu nahay oo waanu kula shaqaynaynaaye Magaaladan wax ka qabta oo nadaafadda hala ilaaliyo oo kor ha loo qaado.”

Sheekh Cabdiraxmaan waxa kale oo uu sheegay “Berbera oo aan Jimcihii ku tukaday ayaa ka soo galay, Berbera waa Magaalo kooban, laakiin waxbay qabsadeen, markaa waa inaan Caasimadda loo faanin, waa in Caasimaddu u faanto Magaalooyinka kale..”ayuu yidhi.

Badhasaabka Maroodi-jeex oo isaguna halkaa hadal ka jeediyey ayaa Masuuliyiinta Dawladda ee Maayarku ka mid yahay u soo jeediyey inay kaalintooda buuxiyaan “Ciddii shaqaynaysa wax ha lala qabto, Maayarku siduu sheegayna wuxuu diyaar u yahay inuu wax qabto oo Magaalada Nadaafaddeeda kor loo qaado, laakiin waxa loo baahan yahay in Culimadu u timaaddo (Maayarka) oo Ganacsatadu la shaqayso, waayeelku la shaqeeyo oo aynu wax wada qabsano, markaa Nadaafadda waynu hagaajinaynaa, dhismayaasha waynu hagaajinaynaa, Masuuliyiinta Dawladdana waxa looga baahan yahay inay kaalintooda buuxiyaan oo ay Bulshada Abaabulaan..”ayuu yidhi.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa isaguna Dadweynaha u soo jeediyey in la taageero Dawladda hoose ee Hargeysa, si ay Magaalada u hagaajiso “Waa inaynu wax la qabano Dawladda hoose, iyaguna dedaallaan oo ay horseed ka noqdaan Qorsheyaasha, dabadeedna Dadka wax la qaban karaya, Dawlad ahaan iyo Shacabka oo Culimadu ugu horreeyaana ay isla qabtaan oo ay is garab galaan..”ayuu yidhi.

Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo isaguna gebogabadii halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wax ka qabto dayaca ka muuqda Magaalada “Nacaybkii aynu Dawladnimada ka qaadnay siddeetamaadkii ayaad mooddaa inuu weli Shacabkeena qayb ku jiro. Waxaanu diyaarinay qorshe ah in laga shaqeeyo inta badhtamaha Magaalada, sidaad la socotaan Afarta waddo ee ugu muhiimsan magaalada waxaanu u bixinay (Magacyadii) khulafaa’u raashidiin (Saxaabadii Nebiga), markaa waxaanu doonaynaa in Waddooyinkii dhexe oo dhan in laga shaqeeyo, laakiin haddaan Dawladda iyo Shacabku Gacmaha is-qabsan waxba lama qaban karayo..”ayuu yidhi.

 

Himilomedia.com/Hargeisa Office

Leave a Reply